Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen Cilmi, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta tababarka Farsamada ee Hano Academy, halkaas oo tababarro xirfadeed loogu qabtay dhallinyaro dalka dib loogu soo celiyay oo isugu jira rag iyo dumar, si loogu taageero horumarinta naftooda.
Guddoomiyaha ayaa indha-indheeyay tayada tababarrada, wuxuuna la kulmay maamulka, macallimiinta iyo ardayda, isagoo dhallinyarada ku dhiirrigeliyay in ay ka faa’iideystaan fursadaha xirfadeed ee ay Hay’addu u fududeysay, isagoo carrabka ku adkeeyay in tababarrada noocan ah ay laf-dhabar u yihiin shaqo-abuurka, isku-filnaanshaha iyo dib-u-dhexgalka bulshada.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee lagu taageerayo dib-u-soo laabtayaasha, horumarinta xirfadaha iyo nolol waarta oo ay helaan muwaadiniinta dalka dib ugu soo laabanaya.
