Muqdisho (SONNA):- Dhalinyaro isxilqaamay ayaa ka bilaabay magaalada Galkacyo Galmudug dayactirka qaar ka mida Wadooyinka ay saameeyeen Roobabkii ka da’ay magaalada, kuwaas oo burbur lixaad ah ka geystay waddooyinka.
Roobabkii ka daโay magaalada Gaalgacyo ee dowlad gobaleedka Galmudug waxa ay saameen muuqata ku yeesheen isku socodkii dhaqdhaaqyadii ganacsi iyo adeegyadii kale ee bulshada isla markaana ay noqdeen wadooyinkii kuwa burburay iyo kuwo ay wali dhax fadhiyaan daadadkii ka dhashay roobabka.
Cabdi shakuur sheekh maxamed cismaan oo ku hadlayay magaca dhalinyarada iyo bulshada iska kaashanaya dayactirka iyo dhismaha wadooyinka oo ay warbaahinta qaranku wax ka weydiisay Olalahaan ay u istaageen ayaa sheegay in iyaga oo ka danqanaya dhibaatada ka jirta wadooyinka galkacyo iyo cabsi laga qabo in cuduro ay ka dilaacaan biyaha wasaqoobay ee wali dhax fadhiya wadooyinka waaweyn iyo xaafadaha galkacyo ay go’aansadeen in si tabarucaad ah ay ugu istaagaan dayactirka iyo nadiifinta wadooyinka.
Ugu danbeyna Waxa uu ugu baaqay ganacsatada iyo shacabka reer Galmudug ee ku nool Galkacyo in ay guryahooda hortooda ay hagaajistaan si caruurtooda iyo iyaguba ay uga badbaadaan khataro caafimaad daro oo ka imaan karta biyaha wasaqeeysan ee fadhiya Wadooyin ka hor mara guryahooda
Inkastoo dhalinyarada isxilqaamay ay muujinayaan dadaal lagu bad baadinayo bulshada ayaa haddana waxaa wali shacabku dhowrayaa kaalinta dowladda hoose ee dagmada Galkacyo iyo tii Wasaarada Caafimaadka Galmudug.