Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden
    June 1, 2026
    Jadwalka Guud ee Doorahaada Guddoonka iyo Hoggaamiyaha KGS oo la shaaciyay
    June 1, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 1, 2026
    Wasaaradda Tamarta oo qabatay Shirweynaha Ansixinta Qaranka ee Mashruuca Amniga Biyaha
    June 1, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Magaalada Seoul kula Kulmay Dhiggiisa Dalka Masar
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7
GudahaSiyaasaddaWararka

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

By Kanaava Mohamed
Last updated: April 20, 2024
2 Min Read
Share

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani’aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi.

 

Soomaaliya waxa ay u heellantahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlantahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi’ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda’a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale.

 

Soomaaliya waxa ay ka mahadnaqaysaa qiridda horumarka ay ka samaysay hannaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa naga go’an inaan dardargelinno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoojinno hey’adaheena. Sida habsamida leh ee mas’uuliyadda amniga looga wareejinayo Howlgalka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid muhiim u ah amniga qaranka. Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caalamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoodaha amni ee dalka iyadoo taageero laga helayo beesha caalamka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMa oo la kulmay wafdi ka socda Dowladda Sweden

Muqdisho,(SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta…

June 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo la kulantay agaasimaha hay’adda socdaalka dalkaas

Kampala (SONNA): Safiirka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare, ayaa kulan kula qaadatay xafiiskiisa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka…

GudahaWararka
April 22, 2025

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabilay xubnon ka mid ah guddiga doorashooyinka Qaranka

Jowhar (SONNA): Wafdi ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee doorrashooyinka Qaranka iyo Soodimaha ayaa maanta soo gaaray caasimada Dowladda Hirshabeelle ee…

GudahaWararka
January 28, 2025

Soomaaliya oo 35 kadib ku guulaysatay inay ka baxdo liiska dowladaha lagu leeyahay qaaraanka Golaha Ammaanka

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi oo ku sugan dalka Mareykanka lana hadlay Warbaahinta…

GudahaWararka
February 24, 2025

 Wasiir Maxamed Xasan “ Waa mamnuuc in dalka la keeno dawooyinka loo isticmaalo maandooriyaasha.”

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Cafimaadka XFS mudane Maxamed Xasan oo ka qeybgalay kulanka todobaadka warbaainta qaranka ayaa sheegay in dowladda…

Gudaha
July 26, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023