Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: DF oo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay la macaamilka argagixisada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > DF oo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay la macaamilka argagixisada
GudahaWararka

DF oo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga digtay la macaamilka argagixisada

By Dahir Aadan Cali
Last updated: November 30, 2024
3 Min Read
Share
Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shirguddoomiyay kulanka Guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo ladagaalanka maalgalinta argagixisa ayaa shacabka, kaas oo diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrimaha maalgelinta argagixisada iyo dhaqista lacagaha, iyadoo si gaar ah looga arrinsaday diyaarinta siyaasadaha, shuruucda iyo xeerarka nidaamiyeyaasha lagaga hortagayo arrimahan.
Wasiir Biixi oo shirka ka hadlay ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaanta in ay macaamillaan kooxaha khawaarijta oo dhawaanahaan la soo warinayay in bulshada ay si qasab ah uga doonayaan lacago baad ah, wuxuuna carabka ku adkeeyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid walba oo la macaamisha kooxaha argagixisada oo caadeystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

”Waxaan idinku soo dhoweynayaa shirkeennii caadiga ahaa guddiga ka hortagga maalgelinta iyo lacag dhaqista argagixisada oo had iyo jeer diiradda lagu saaro sidii wax loo qaban lahaa arrimahaas haddii ay tahay dhanka diyaarinta siyaasadaha shuruucda iyo xeer nidaamiyeyaasha lagaga hortagayo maalgelinta argagixisada iyo la dagaalanka lacag dhaqista iyo tallaabo kasta oo wax lagaga qabanayo arrimahaas,waxaa runtii inoo qabsoomay howlo waa weyn walina runtii qabyooyin badan ayaa jira, waxaad ogtihiin argagixisadu in ay tahay cadowga koowaad ee dadka Soomaaliyeed, siyaabo kala duwan dowladda dagaalkeedu ay ugu jirto haddii ay tahay dhanka ciidan hubeysan, dagaallagu in guulo waa weyn laga soo hoyay meelo badan laga xoreeyay walina dagaalku uu socdo rajeyneyna runtii la ciribtiro oo la soo afjaro,”.

Sidoo kale, Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso in ay tallaabooyin waa weyn ka qaaddo arrimaha maalgelintooda iyo lacagaha baadda ay ka uruursadaan shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed. Wuxuuna wasiirku adkeeyay in ay shacabka ka fogaadaan la macaamilka argagixisada arxanka daran.

”Wejiga saddexaad aan u fadhino maanta waxaa weeye in maalgelintooda tallaabooyin waa weyn laga qaado oo shaqooyin badan ka qabsoomeen kana socdaan, dadka Soomaaliyeed haddii ay tahay ganacsayada iyo haddii ay tahay shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay ka digtoonaadaan ka waantoobaan in ay macaamil la yeeshaan nimankaas, haddana maaddaama lagu jiro xilli nimankaas ay sheegtaan in ay uruuriyaan Baadda ay tahay in si gaar ah runtii looga digtoonaado aan wax macaamilaad ah lala yeelan baan dadka Soomaaliyeed fareynaa, cid kasta oo la ogaado in ay si uun xiriir ula sameeysayna tallaabo sharci ah ayay Dowladdu ka qaadeysaa, hay’adaha amniga ee quseeya howlani dabagal joogta ah ayay ku hayaan,”.

Shirka waxaa goob joog ahaa mas’uuliyiin ka tirsan guddiga ka hortagga lacag dhaqidda iyo ladagaalanka maalgelinta argagixisa, kuwaas oo ka kala socdayWasaaradda Maaliyadda,Wasaaradda Cadaaladda,Wasaaradda Amniga,Wasaaradda Ganacsiga,Bangiga Dhexe,Taliska Nabad Sugidda,Xafiiska Xeer-ilaaliyaha iyo Hey’adda FRC.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Cali Xoosh “Maamulka Waqooyi Bari Dowladda Federaalka waxa ay siin doontaa taageero gaar ah”

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ka hadlay xaflad ka dhacday magaalada Laas…

Gudaha
August 1, 2025

Guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka BJFS oo guddoon cusub doortay

Muqdisho.(SONNA):- Guddoomiyaha guddiga la socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa loo doortay Xildhibaan Xuseen Iidoow  ka dib doorasho…

GudahaWararka
January 7, 2023

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo Galmudug gaarsiisay qalab looga hor-taggo Covid-19.

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa qalab looga hortegayo cudurka karoona fayras gaarsiisay maamul goboleedka Galmudug. Qalabkaan caafimaad…

Wararka
March 31, 2020

Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo kormeer shaqo ku tegey Laanta Miino-baarista Booliiska (MBB)

Muqdisho.(SONNA):- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kormeeray Xarunta Laanta Miino-baarista Booliiska (MBB), halkaas oo uu taliyahu…

GudahaWararka
April 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023