Muqdisho.(SONNA):- Munaasabad kooban oo ka dhacday Dakedda weyn ee Muqdisho, ayaa maanta Dowladda Federaalka waxa ay kula wareegtay Markab weyn oo sida shixnad Gargaar ah oo dowladda Turkiga ugu talagashay shacabka Soomaaliyeed ee tabaaleysan.
Gargaarkaan ayaa ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka, Teendhooyin iyo waxyaabo kale oo aas-aasi u ah nolasha, kuwaas oo dhan 3,000 oo tan.
Gargarkaan waxaa la wareegay Raโiisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Saalax Axmed Jaamac oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, waxaana sidoo kale xafladaan qeyb ka ahaa safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’addaha gargaarka biniaadannimo u qaabilsan Turkiga.
Raโiisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ayaa dawladda Tukiga uga mahadceliyey iskaashiga iyo garab istaagga walaaltinimada iyo saaxiibnimada ku dhisan.