Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Denmarka oo $17 Malyan ka cafisay Soomaaliya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Denmarka oo $17 Malyan ka cafisay Soomaaliya (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Denmarka oo $17 Malyan ka cafisay Soomaaliya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 23, 2024
5 Min Read
Share

Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan.

Contents
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.By. C/lahi Ruush 

Kristalina waxay kaloo tilmaantay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaa kaloo isna soo hambalyeeyay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo isna ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada, waxaa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbedallo muhiim ah, iyadoo dhinaca Midowga Yurub-na ay iyaguna sheegeen in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbedalka dhaqaalaha.

Mareykanka oo laalay $1.1bn oo deyn ah oo Soomaaliya lagu leeyahay oo ah heshiis maaliyadeed oo taariikhi ah, taasi oo aheyd Ballan-qaadka deyn-bixiyaha ugu weyn ayaa ah kii ugu dambeeyay heshiisyo taxane ah oo lagu cafiyay deyn dhan $4.5bn.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in inka badan $1.1bn (£860m) oo deymo ah oo baaqi ahaa uu Mareykanku baabi’in doono, taasoo ka dhigan qiyaastii rubuc ka mid ah deynta harsan ee dalka Soomaaliya lagu lahaa, sida uu qoray Wargeyska the Guardian ee Dalka Ingiriiska.

Ku dhawaaqista ayaa ah heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya deymaha lagu leeyahay ay ku balameen in ay ka cafiyaan. Inta badan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay waxa ay aheyd xilligii kaligii Taliskii Millatari ee Siyaad Barre, kaasi oo burburay dabayaaqadii 1990-aadkii oo dhaliyay dagaal sokeeye oo burburiyay Seddex iyo Toban sano. Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka “uu ku caburoobay culeys weyn oo deyn ah oo aan la aqbali karin” taasoo ah lacago dulsaar ah oo aan la bixin karin “intii lagu jiray muddada dheer ee burburka dowladeed”.

Dhawaantaan, Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo deyn cafinta oo ku kacaya $1.14bn. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa X, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Cige, ayaa mahad-celin u jeediyay, isagoo uga mahad-celiyay “Dowladda Mareykanka iyo shacabka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin dib u habeynta dhaqaalaha iyo kobacayada ka socda Soomaaliya”. Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard Riley, iyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, mudane Biixi Cige, ayaa ku kala saxiixday heshiiska, kaasi oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka, ee magaalada Muqdisho Maxamed Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa bogaadiyay heshiiska “taariikhiga ah”, isaga oo intaa ku daray in uu “war aad u wanaagsan u yahay dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya ee socda”. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Tweeter-ka ee X, Maxamed Dubo, oo ah Madaxa Xafiiska dhiirrigelinta maalgashiga ee dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhigay: “Soomaaliya hadda waxa ay wajihi kartaa mustaqbalkeeda, iyada oo aan loo kala harin”.

Dhinaca kale Dowladaha Soomaaliya iyo Denmarka ayaa kala saxiixsday heshiis deynta looga cafinayay Soomaaliya sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, iyadoo laga cafiyay lacag gaareysa 17 Milyan oo Doolar, iyadoo heshiiskaani uu daba socdo wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024-ka, in ay cafiyeen deymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go’aankaasi oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha ku lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.

By. C/lahi Ruush

 

 
 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka Taraafikada oo hawlan gurmadka shil gaari oo Muqdisho ka dhacay

Muqdisho (SONNA): Ciidanka ilaalada nabadgalyada Waddooyinka ee Taraafiko ayaa ku howlan gurmadka Shir gaari gabaldhicii Caawa ka dhacay Isgoyska Jubba…

GudahaWararka
March 27, 2024

Wasaaradda caafimaadka oo dawo ku wareejisay ciidamada dagaalka Khawaarijta ku jira 

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku wareejiyey Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir oo wakiil…

GudahaWararka
May 5, 2025

Duqa muqdisho oo qaabbilay madaxa howlgalka xafiiska hay’adda UNICEF ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa kulan la qaatay wafdi uu hogaaminaayo…

GudahaWararka
June 22, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Ku-simaha Safiirka Boqortooyada Ingiriiska

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, ahna…

GudahaWararka
January 4, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023