Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Denmarka oo $17 Malyan ka cafisay Soomaaliya (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Denmarka oo $17 Malyan ka cafisay Soomaaliya (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Denmarka oo $17 Malyan ka cafisay Soomaaliya (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: November 23, 2024
5 Min Read
Share

Hey’adda Lacagta Adduunka IMF iyo Baanka Adduunka ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan 4.5 bilyan oo doolarka Mareykanka ah, waxaana isa soo taraya boogaadinta saaxiibada caalamka ay u dirayaan dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed oo gaaray guul taariiqi ah, waxaa kaloo jirta in Kristalina Georgieva oo ah Madaxa IMF ay Soomaaliya ugu hambalyeeysay guushan.

Contents
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.By. C/lahi Ruush 

Kristalina waxay kaloo tilmaantay in IMF ay sii wadeyso xoojinta wada shaqeynta iyo xiriirka ay Soomaaliya la leedahay, waxaa kaloo isna soo hambalyeeyay Xoghayaha guud ee Urur Goboleedka IGAD Workneh Gebeyehu oo isna ammaanay dadaalka dheeriga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku bixineyso dib u habeynta dhaqaalaha iyo arimaha bulshada, waxaa kaloo uu bogaadiyay doorka hogaamineed ee gaarka ah ee horseeday isbedallo muhiim ah, iyadoo dhinaca Midowga Yurub-na ay iyaguna sheegeen in ay ka go’an tahay taageerida Soomaaliya guushaan weyn ka dib, iyaga oo sare u qaadaya isbedalka dhaqaalaha.

Mareykanka oo laalay $1.1bn oo deyn ah oo Soomaaliya lagu leeyahay oo ah heshiis maaliyadeed oo taariikhi ah, taasi oo aheyd Ballan-qaadka deyn-bixiyaha ugu weyn ayaa ah kii ugu dambeeyay heshiisyo taxane ah oo lagu cafiyay deyn dhan $4.5bn.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in inka badan $1.1bn (£860m) oo deymo ah oo baaqi ahaa uu Mareykanku baabi’in doono, taasoo ka dhigan qiyaastii rubuc ka mid ah deynta harsan ee dalka Soomaaliya lagu lahaa, sida uu qoray Wargeyska the Guardian ee Dalka Ingiriiska.

Ku dhawaaqista ayaa ah heshiisyadii ugu dambeeyay ee ay Soomaaliya deymaha lagu leeyahay ay ku balameen in ay ka cafiyaan. Inta badan deymaha Soomaaliya lagu leeyahay waxa ay aheyd xilligii kaligii Taliskii Millatari ee Siyaad Barre, kaasi oo burburay dabayaaqadii 1990-aadkii oo dhaliyay dagaal sokeeye oo burburiyay Seddex iyo Toban sano. Madaxweynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka “uu ku caburoobay culeys weyn oo deyn ah oo aan la aqbali karin” taasoo ah lacago dulsaar ah oo aan la bixin karin “intii lagu jiray muddada dheer ee burburka dowladeed”.

Dhawaantaan, Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis rasmi ah oo deyn cafinta oo ku kacaya $1.14bn. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa X, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Cige, ayaa mahad-celin u jeediyay, isagoo uga mahad-celiyay “Dowladda Mareykanka iyo shacabka sida hagar la’aanta ah ee ay u garab taagan yihiin dib u habeynta dhaqaalaha iyo kobacayada ka socda Soomaaliya”. Safiirka Maraykanka u fadhiya Soomaaliya, Richard Riley, iyo Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, mudane Biixi Cige, ayaa ku kala saxiixday heshiiska, kaasi oo ka dhacay Safaaradda Mareykanka, ee magaalada Muqdisho Maxamed Shire, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, ayaa bogaadiyay heshiiska “taariikhiga ah”, isaga oo intaa ku daray in uu “war aad u wanaagsan u yahay dadaalka dib u soo kabashada Soomaaliya ee socda”. Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Tweeter-ka ee X, Maxamed Dubo, oo ah Madaxa Xafiiska dhiirrigelinta maalgashiga ee dowladda Soomaaliya, ayaa soo dhigay: “Soomaaliya hadda waxa ay wajihi kartaa mustaqbalkeeda, iyada oo aan loo kala harin”.

Dhinaca kale Dowladaha Soomaaliya iyo Denmarka ayaa kala saxiixsday heshiis deynta looga cafinayay Soomaaliya sida ay qortay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, iyadoo laga cafiyay lacag gaareysa 17 Milyan oo Doolar, iyadoo heshiiskaani uu daba socdo wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024-ka, in ay cafiyeen deymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go’aankaasi oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula macaamisho dalalka deymaha ku lahaa.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa si wadajir ah ugu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa dhaboobay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.

By. C/lahi Ruush

 

 
 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo furay shirka wadatashiga doorashada +Sawirro

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad…

GudahaSiyaasaddaWararka
September 13, 2020

Safiirka Soomaaliya ee Kuweyt oo ka qeyb galay xusas hordhac u ah maalinta Afrika

  Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwait Mudane Dr. Cabdullaahi Maxamed Odowaa ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu…

Gudaha
May 24, 2024

Khawaarijta oo weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah

Muqdisho, (SONNA): Kooxda ka tirsan Khawaarijta arxanka daran ayaa weerartay dad shacab ah oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada…

GudahaWararka
August 3, 2024

Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS oo daahfuray Imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof.

Muqdisho,(SONNA):-Guddoomiyaha Maxkamadda sare JFS Mudane Baashe Y. Axmed, ayaa maanta daahfuray imtixaan ay u fadhiisteen 1,766 qof oo u tartamaayey…

GudahaWararka
September 21, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023