Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
    Ergada Soomaaliya ee qaramada midoobay oo munaasabad casho ah u qabtay danjireyaasha iyo diblomaasiyiinta ka hawlgala xarunta QM
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay ansixiyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay ansixiyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada
GudahaWararka

Deni oo Baarlamaanka u jeediyey inay ansixiyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 22, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka hadlayey munaasabad isaga iyo wafdigiisa lagu soo dhaweynayey oo xalay Muqdisho ka dhacay ayaa u jeediyey Baarlamaanka dalka inay ansixiyaan heshiiska siyaasadeed ee doorashada dalka lagu gaarsiinayo oo todobaadkii hore ay dawladda Federaalka iyo dawlad goboleedyada oo uu wehliyo gobolka Banaadir ay ku heshiiyeen.

Waxa uu sheegay in heshiiskaas uu ku yimid wada-xaajood muddo socday oo Soomaalida dhexdeeda ah, islamarkaana lagu saleeyey hanaan dhexdhexaad ah oo aan cid gooni ah loogu danayn, isagoo u mahadceliyey madaxweynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dadaal badan ku bixiyey sidii loo gaari lahaa go’aan talo wadaag ah.

Sii hayaha Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo munaasabadaas ka hadlay ayaa xusay in dawlad goboleedyada oo Puntland ugu horrayso ay mas’uuliyad ka saarantahay inay dawladda dhexe kala shaqeeyaan hirgalinta nidaamka Federaalka, waxaana uu intaa ku daray in madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Wasiir iyo Xildhilaanba ka soo noqday Federaalka uu arrintaasi dareensanyahay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa isaguna xusay in madaxda Soomaaliyeed iyo shacabkaba ay ahmiyad u leedahay inay aayahooda iyo nuuca doorasho ee dalka ka dhacaysa u go’aamiyaan si madax banaan oo uusan shisheeye ku luglahayn.

Munaasabadda lagu soo dhaweynayey madaxweynaha Puntland waxaa ka qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dawladda Federaalka, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Culimada Soomaaliyeed” Khawaarijtu waa qoom Alle fidneeyay, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay iska qabtaan,”

Muqdisho,(SONNA):- Culumada Soomaaliyeed ayaa si weyn u cambaareysay weerarkii xalay kooxda Khawaarijta arxanka daran ay ku qaadeen Maqaayadda Peach View…

GudahaWararka
August 3, 2024

Duqa Muqdisho ooย  magacaabay Guddoomiyaha Degmada Daarusalaam eeย Gobolka Banaadir

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Mudane Mire Salaad Dhuxulow u magacaabay Guddoomiyaha…

GudahaWararka
August 25, 2025

Jadwalka doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle oo la soo saaray.

Muqdisho:(SONNA)-Guddiga Doorashada Guddoonka Barlaamaanka 2-aad ee Hirshabeelle ayaa ย waddatashi kadib soo saaray jadwalka doorashada Guddoonka dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Doorashadda Guddoonka…

Wararka
November 1, 2020

Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo khudbad ka jeediyayย kulanka guud ee odeyaasha dhaqanka

Muqdisho(SONNA);-Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cabdixakiim Ashkir oo khudbad ka jeediyey kulanka guud…

GudahaWararka
April 28, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023