Qansax-dheere-(SONNA) Ciidamada xoogga Dalka Soomaliyeed oo howlgallo muddooyinkan dambe ka waday gobolada Dalka ayaa dhul ballaaran ka qabsaday maleeshiyada Alshabaab,sida degmooyin,uulooyin iyo meelo badan oo kooxdaasi ay dadka shacabka ah ku dhibaateyn jireen.
Degmada Qan-saxdheere ee gobolka Baay ayaa ka mid ah degmooyinkii horey looga saaray argagixisada Alshabaab,waxaana haatan ka jira isbedell,inkastoo weli ay jiraan baahiyo dhanka adeegyada bulshad ah,sida uu Wakaaladda Wararka(SONNA) uu u sheegay guddoomiyaha degmadaasi C/risaaq Cabdi Ibraahim(Sanka).
“Degmada Qansax-dheere oo ka mid ah magaalooyinka Qadiimiga ah ee gobolkay Baay Baydhabo waxay U Jirtaa 90 Km Waxayna Ka Kobantahay 4 Xafadood Oo Kala ah, Wadajir,Garsoor,Towfiiq iyo October,degmada Waxay Kamid tahay Degmooyinka Qadiimiga ah Ee Gobolka Baay,Waxa Hoos Yimaada in Ka Badan 100 iyo Dhowr Degaan Ama Tuulo,iyadoo taasi ay jirto ayaa hadana degmada waxaa kajirta baahiyo dhanka adeegyada Bulshada ah”.sidaasi ayuu SONNA u sheegay Guddomiye(Sankuus)
Marka laga hadlayo adeegyada Bulshada,heerka Waxbarasho Ee Degmada Waxaa kuyaala Dugsi Hoose iyo Dhaxe,balse waxaa Dhawaan la hirgeliyay dugsi Sare,iyadoo wixii intaasi ka horeysayna ay ardaydu waxbarashada dugsiga Sare ay u doonan jireen magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo,taasi oo caqabad weyn ku ahayd xagga dhaqaalaha iyo musaafo ahaan intuba.
Guddoomiyaha maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay C/risaaq Cabdi Ibraahim(Sanka) oo SONNA u waramay ayaa Sidoo kale sheegay in degmadu ay leedahay xarumo caafimaad sida isbital guud,balse Wuxuu ka codsaday hay’adaha samafalka iyo kuwa dowliga ah in laga caawiyo sidii loo horumarin lahaa guud ahaan adeegyada ay helaan Bulshada.
Ammaanka degmada iyo deegaanada hoosetaga ayuu sheegay in ay wanaagsan yahay,waxaana ka howlgala ciidanka Xoogga Dalka, oo howlgalo joogto ah ka sameeye deegaanadaasi,si looga hortago dhagar kasta oo ay shacabku u soo maleegaan maleeshiyada Alshabaab.
Xalada Amniga Ee Degmada Waxa Habeen iyo Maalin u Taagan Guud ahan Maamulka Degmada Oo Kashanaya Ciidamada Dowlada Qeeboohada Kala Duwan.
Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala deegaanada ayaa isku sii fidinaya deegaano hor leh,si loo furo meelaha ay go’doomiyeen maleeshiyada Alshabaab.