Baydhabo-(SONNA)-C/salaam Siidoow Maxamed ayaa loo doortay Guddoomiyaha Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, halka Aweys Sheekh Cali Ibraahim uu ku guuleystay ku xigeen, markii ay Maanta halkaasi ka dhacday doorashada maamulka Degmada u sarreeya.
Halka ay doorashadu ka dhacday waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi, Xildhibaanada Golaha degaanka,Odayaasha dhaqanka, madaxda hayโadaha โSaraakiil ka socotay AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed, Maxamed Abuukar Cabdi, ayaa u mahadceliyey Guddiga soo qaban-qaabiyay doorashada ee ka kala socday wasaaradda arrimaha gudaha Koofur Galbeed iyo Dowladda federaalka, wuxuuna sheegay in uu si weyn u bogaadinayo wixii halkaasi ka dhacay.