Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
    Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Degaanka Maaxaay oo loo asteeyay in laga dhiso Garoon Diyaaradeed oo casri ah+Sawirro
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Degaanka Maaxaay oo loo asteeyay in laga dhiso Garoon Diyaaradeed oo casri ah+Sawirro
Wararka

Degaanka Maaxaay oo loo asteeyay in laga dhiso Garoon Diyaaradeed oo casri ah+Sawirro

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 1, 2020
2 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirro iyo xildhibaano katirsan DFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeele iyo rugta ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhowr goobood oo kamid ah Gobolka Shabeellada dhaxe kormeer ku sameeyay si ay sahmin ugu sameeyaan halka ku haboon in laga hirgeliyo Garoon Diyaaradeed oo casri ah.

Mas’uuliyiintaan waxaa kormeer kooda ku wehlinaayay Khubaro ku xeel-dheer sahminta Garoomada Diyaaradaha, waxayna madaxda iyo Khubaradu isku raaceen in degaanka Maaxaay oo hoostaga Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellada dhexe ay tahay halka ku habboon in laga hirgeliyo Garoonka cusub oo cabirkiisu gaarayo 14-km.

Qaar kamid ah Odayaasha iyo culimada degaanka oo warbaahinta la hadlay ayaa Dhulkooda ugu yaboohay Qaranka iyo in loogu shaqeeyo danaha Ummadda Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane ; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa sheegay in degaanka Maaxaay uu yahay goob istaraatiiji ah oo ku wanaagsan in laga dhiso Garoon casri ah oo meteli kara guud ahaan Dalka.

Wasiirka Gaadiidka  iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar) ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Sanadaha soo socda soo gaba-gabeyn doonto mashruucaan lagu dhisayo Garoon caalami ah oo magaalada Muqdisho ay yeelato.

Garoonkaan ayaa haddii la hirgeliyo noqon doona kii ugu weynaa ee Dalku uu yeesho, wuxuuna dabooli doonaa baahiyo badan maadaama uu noqon doono mid baaxad weyn oo la jaanqaadi kara Garoomada Caalamiga ah ee Dunida.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS

Muqdisho(SONNA):-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti,…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Farmaajo oo tacsi u diray Raiisul Wasaarihii hore Cali Maxamed Geeddi geerida ku timid hooyadii

Nayroobi (SONNA), Nofeembar 14, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra'iisul Wasaarihii Hore ee Xukuumaddii Ku-meelgaarka…

Wararka
November 14, 2019

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kormeeray Dekedda Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Dekedda Muqdisho oo kamid ah…

Wararka
December 3, 2020

Guddiga Quran ee Taageerada la-dagaallanka Khawaarijta oo kulankoodii ugu horeeyay yeeshay

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay…

GudahaWararka
April 6, 2025

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐞𝐞𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐮𝐠𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐊𝐚𝐦𝐩𝐚𝐥𝐚 𝐞𝐞 𝐜𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐔𝐠𝐚𝐧𝐝𝐚

Kampala(SONNA) - Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa maanta magaalada Kampala uga qayb galay shir…

Wararka
January 9, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023