Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Baarlaamka Federaalka oo ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Baarlaamka Federaalka oo ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020
Wararka

Baarlaamka Federaalka oo ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020

By Aadan Sooyaal
Last updated: December 31, 2019
2 Min Read
Share

Xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si wadajir u ansixiyey Miisaaniyadda Sanadka 2020, kaasi oo maalmihii la soo dhaafay ay ka doodayeen.

188 Xildhibaan ayaa ogolaatay Ansixinta Miisaaniyadda Sanadka 2020 , hal xildhibaan ayaa diiday halka ay labo xildhibaan oo kalena ka Aamuseen.

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka oo u codeeyay Miisaaniyadda Qaran ee  2020-ka oo cadad ahaan dhan $476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar) ayaa waxaa codka haa ku ogolaatay 188-Xildhibaan 1-Xildhibaan ayaa diiday sidoo kalena 2-Xildhibaan  ayaa ka aamustay sida uu natiijadda codeynta  ku dhawaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Sidoo kale Guddiyada Maaliyadda ee Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa Xildhibaanadda uga mahad celiyay Ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2020.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadkan oo tira ahaan la’eg  $476,150,902 (Afar boqol todobaatan iyo lix milyan, boqol iyokonton kun,sagaal boqol iyo laba doolar) waxaa ka muuqda koror dhan 76-Million oo doolar marka loo eego miisaaniyadii sanadkan sii dhamaanaya ee 2019-ka ,waxaa kale oo miisaaniyadan ka muuqata in ay ku koobantahay Kharashaadka adeega maamulka iyo difaaca Qaranka taasoo loo qoondeeyay miisaaniyadda joogtada ah qadar dhan $369,751,045 una dhiganta 77.7%, Arrimaha Bulshada oo loo qoondeeyay 64,450,722 una dhiganta  13.5% halka haraaga oo dhan $41,949,135 oo u dhiganta 8.8% qoondada miisaaniyadda 2020-ka loogu talo galay Hay’adaha dhaqaalaha.

Guddoomiyaha Golaha Shacaka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa Xildhibaanadda labada Aqal uga mahad celiyay sida ay u ansixiyeen miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2020-ka.

Ansixinta miisaaniyaddaan ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo beegmaysa  maalintii ugu danbaysay sanadka 2019, si sanadka  2020 oo berri ka bilaabanaya loogu shaqeeyo miisaaniyadda cusub.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Shirka Wasiirrada Maaliyadda  Africa oo ka furmay Central Africa Republic

Muqdisho(SONNA):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee…

GudahaWararka
July 31, 2025

Dumarka Soomaaliyeed iyo dowladnimada (maqaal)

Hanashada Xorriyadda Dumarka Soomaaliyeed waxay ka soo qaateen door aan la ilaabi Karin, waxayna u hureen Naftooda iyo Xoolahooda, iyagoo…

GudahaMaqaallada
January 16, 2023

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo bayaan ka soo saaray qoraalkii baal marsanaa dastuurka dalka ee ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Muqdisho (SONNA)-Kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ka arkay Warbaahinta Warqad baalmarsan Shuruucda dalka oo ka…

GudahaWararka
September 16, 2021

Safiirada dalalka Carabta u fadhiya dalka Koonfur Afrika oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Xisbiga ANC

Muqdisho(SONNA):-Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika Waxaa ka qabsoomay kulan muhiim ah oo u dhexeeya safiirrada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay Koonfur…

GudahaWararka
February 18, 2026

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023