Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ceeldheer Noloshii ka socotay, Khawaarijtu waxay u rogeen Bur-bur,cidlo iyo cabsi (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ceeldheer Noloshii ka socotay, Khawaarijtu waxay u rogeen Bur-bur,cidlo iyo cabsi (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Ceeldheer Noloshii ka socotay, Khawaarijtu waxay u rogeen Bur-bur,cidlo iyo cabsi (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 22, 2023
7 Min Read
Share

Degmada Ceeldheer waxay ka mid tahay Dagmooyinka ugu qadiimisan Gobalka Galgaduud waxayna dhacdaa dhinaca waqooyi bari ee gobalka, waxay 18 Km u jirtaa xeebta Mareeg ee Badweynta Hindiya, waxaana markii ugu horreysay la soo degay sanadkii1937-kii kadib markii dadkii deganaaMareeg oo aheyd magaalo taariikhi ah ay ka soo guureen dagaalkii labaad ee aduunka kadib kolkaas oo Talyaaniga iyo Ingiriiska uu dagaal dhinaca badda ah ku dhex maray Mareeg.

Madaxdii gumaystihii Talyaaniga ayaa ku booriyay in dadkii ku noolaa Mareeg ay ka guuraan kuwaasi, oo marka laga reebo Talyaaniga isugu jiray Hindi, Carab iyo beelo kale oo Soomaaliyeed, Hindidii iyo Carabtii ayaa u hayaameen magaaloyinka Cadale, Xamar iyo Baraawe, halka reer Mareegii asalka ahaana ay u soo baqooleen dhinaca deegaanka Ceeldheer oo xiligaas ahaa meel ay ku yaaleen Ceelal oo kaliya, Sida ay sheegayaan dadka yaqaan taariikhda degmada Ceel-Dheer.

Magaalada Mareeg oo ahayd saldhigii sadexaad ee maamulkii Talyaaniga dalka Soomaaliya ku lahaa ayaa ahayd magaalo leh daaro qadiimi ah cimrigoodana lagu qiyaasay ilaa afar boqol oo sanadood & kuwo talyaanigu dhisay kuwaas oo intooda baday weli ka taagan halkaas,waloow qaarkood aad u gaboobeen hadana waxaa weli bed qaba, Misaajidkii Sh Da’ud Culusoow, Saldhigii Police ka, Xabsigi, Musawac,Xafiisyo, iyo guryo fara badan, Magaaladan oo ah mid ku dheresan xeebta mareeg ayaa weli waxaa ku dhaqan dad u badan kaluumaysato & xoolodhaqato….

Markaan u soo laabano habkii looga soo guurayMareeg Xaaji Maxamed Afrax Fareey ayaa ahaa Ninkii ugu horeeyay ee dhisme ka kooban guri & dukaan ka taago Degmada Ceeldheer, dad badan ayaa isla markiiba qaatay fikradii Xaajiga taas oo suurto galisay in ay Ceeldheer noqotay xarun ganacsi oo ay u soo dukaameysi tagaan tuulooyinka ku dhow dhow & dadka reer miyiga ah, waxaana dhamaan u soo wada guuray dadkii reer Mareeg oo nolol ka bilaabay halkaas, Sanadkii 1954-kii waxaa la sameeyay doorashadii golaha Odayasha.

Sanadkii 1954 Waxaa booqday Ceel-dheer wafdi uu hogaaminayo Muuse Boqor oo markaas ahaa Wasiirkii Arimaha gudaha Dowladdii ugu horreysey ee Soomaaliyeed ee Cabdulaahi Ciise madaxda ka ahaa waxaana dadkii la socday ka mid ahaa Daa’uud Cabdule Xirsi oo ahaa sarkaal sare, Shir ay yeesheen waxgaradkii Ceel-dheer & Muuse boqor ayaa waxaa leysla meel dhigi waayay, qodabadii layku soo qaaday oo ay u horeysay in Ceel-dheer laga sameeyo maamul Degmo.

Sagootintii wafdiga Muuse Boqor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha isugu soo baxay dadweyne fara badan oo halkaas ka muujiyay sida ay uga xun yihiin in Muuse hor istaagay qorshahoodii ay ku doonayeen Degmonimo waxaana gabayga caanka ah ee ( Qoodhiinya xeradaa maxaa qadiyay Ceeldheer) ka tiriyay halkaas AUN Abwaan Jimcaale Dhega-taag

1962-dii waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay degmanimada Degmada Ceeldheer.Degmada Ceel-Dheer, dhaqaalaheeda waxa uu ku tiirsan yahay xoolaha nool, kaluumeysiga, beeraha oo inta badan ku xiran waraabka roobka iyo ganacsiga caadiga ah, Waxa ay Degmadu xarun u tahay barashada culuumta Islaamka waxana wax ku barta arday (Xer) ka kala yimaado gobalada dalka soomaaliya qaar ka mid ah waxaana gacanta ku hayo

  1. Shiikh Cismaan Shiikh Cumar Shiikh Daa’uud &
  2. Sheekh Caamir Sheekh Siciid Seekh Ibraahin Yare oo labaduba hayo goobo wax barasho oo la furay bartamihii qarnigii 18aad.

Degmada waxaa ku yaal garoon Diyaaradeed oo ay maalgalisay hey’ada Talyaaniga ah ee CISP iyo madaxa shirkada Alba Inj Cali Xuseen Maalin, waxaana si joogta ah u isticmaalo diyaarado u badan kuwa hey’adaha gar gaarka oo todobaadkii sadex jeer agab isugu jira daawo & qalab caafimaad soo gaarsiiya labada cisbitaal ee degmooyinka Xarar- dheere & Ceeldheer, balse intaasi oo horumar iyo sii maalgalinta waxaa dhabarka ka jabiyay Kooxda Khawaarijta oo degmadaasi xoog ku qabsaday sanadkii 2010-kii, waxayna burbiriyeen dhammaan adeegyadii Bulsho, kuwaasi oo kala ahaa Isbitaalkii, goobihii Waxbarasho iyo adeegyo kale.

Waxyaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ah in Khawaarijta ay burburisay Masaajidka Jaamicii degmada Ceel-dheer, Burburinta masaajidka ayaa loo sababeeyey in kooxdu doonayso inaysan sii socon xalaqooyinka diiniga ah ee halkaas lagu aqri jiray, kuwaas oo dadka ka hor keenaya haddii ay fahmaan diinta Islaamka ee saxda ah, waxaana Deegaan walba oo laga saaray Khawaarijta sida, Masaajid Cali-guduud, Masagawaa iyo Ceel-dheer ayaa lagu arkay in masaajidda la burburiyey waqti hore oo aan mudada ay deegaanka caburinta ku hayeen lagu tukan.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab markii looga adkaaday dagaaladii ka socday gobolada dalka waxay ku soo aruureen in ay qarxiyaan masaajida, xaafado ay degan yihiin dad rayid ah iyo shirkadaha isgaarsiinta, marka Kani waa masjidka weyn ee degmada Ceeldheer oo toddobaadkan laga xoreeyay cadowgii cuuryaamiyay Alshabaab.

Muuqaalka masjidka ayaa soo koobaya wixii kooxdani aheyd iyo xumaanteeda dhan kastoo laga eego, Masjidkani ma aheyn oo kaliya meel lagu tukado ee lagu kala tago ee wuxuu ahaa madal cilmi iyo cibaado oo cammiran maalin iyo habeen, iyadoo In ka badan 500 oo xer ah ay ku baran jiray culuumta diinta, kuwaasi qaarkood ka yimaadeen magaalooyin iyo deegaanno ka durugsan Ceeldheer, si ay uga cabbaan darka culuumta diinta ee magaaladani caanka ku tahay.

Nololoshii, cilmigii iyo cibaadadii halkan ka socotay waxay argagixisadu u rogeen burbur, cidlo iyo cabsi, Haddii ay beydkii Alle sidan u kharaabiyeen, bal qiyaas qeybaha kale ee nolosha iyo dhaqanka bulshada?, waxay ahaayeen diirato arxan daran oo 13 sano oo ay halkan joogeen ku reebay xanuun iyo hurgumo weyn, marka waxa lagu arkay ama lagala kulmay ayaa ah “Ayax tag Eelna reeb”, ‘blasé waxaa la joogaa xilligii la dhayi lahaa dhaawacyadii ay argagixisadu ka tageen, lana baabi’in lahaa afkaarihii qalloocnaa ee ay faafiyeen’, sidaanna waxaa yiri Liibaan Cabdi Cali oo ka soo jeeda deegaankaasi.

“Safar aan ku tagay magaalada masagawaay markii aan booqday xeradii sheikh caamir xaaji ibraahir yare waxaan ku soo arkay wax aad looga naxo waxaan rajeeynaa in dib loogu soo ciliyo sidi eey aheey inta eey san qabsan qawaarijta  23/04 / 2010”,sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Diyaariye: C/laahi Ruush

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiir Fiqi oo la kulmay Safiirka Sweden ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Sweden ee…

GudahaWararka
October 12, 2024

Wasaaradda qorsheynta XFS oo soo saartay warbixinta nidaamka maareynta macluumaadka deeqaha

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Qorsheynta , Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay warbixinta Nidaamka Maareynta Macluumaadka deeqaha,…

GudahaWararka
February 22, 2023

Wasiirka Xanaanad Xoolaha oo kulan la qaatay kaaliyaha Agaasimaha Guud ee FAO

Muqdisho(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta & Daaqa XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa kulan la qaatay kaaliyaha Agaasimaha Guud ee…

GudahaWararka
February 10, 2025

RW Xamse “Jawaab deg deg ah ayaa laga bixiyay duulaankii ay Khawaarijtu ku so qaaday Waxbarashadda 29-kii Oktoobar”

Muqdisho-(SONNA)-Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada…

GudahaWararka
October 29, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023