Garoowe(SONNA):-Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada dowlad gobolleedka Puntland ayaa deegaannada maamulkaas ka mamnuucday isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo.
Horay sidan oo kale waxaa mamnuucay isticmaalka Bacaha halka mar la isticmaalo wasaaradaha deegaanka Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Maamulka gobolka Banaadir oo Xoojinaya go’aanka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya ee Dalka looga mamnuucay ka ganacsiga iyo isticmaalka Bacda.