Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay hadal ka soo baxay Imaaraat-ka Carabta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay hadal ka soo baxay Imaaraat-ka Carabta
GudahaWararka

Dawladda Soomaaliya oo cambaaraysay hadal ka soo baxay Imaaraat-ka Carabta

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 21, 2021
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wax laga xumaado oo aan la aqbali Karin qoraal ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraat-ka Carabta oo lagu sheegay in qalalaase ka socdo Soomaaliya, aysana ka jirin dawlad rasmi ah.

Wasiirka ayaa sheegay in tan iyo markii ciidanka dawladda FS ay kala eryeen maleeshiyadii caasimadda dhexdeeda kaga dhawaaqday in aan dowladi jirin dalkana ay iyagu masuul ka yihiin, ay dawladda soo gaareen qoraallo kaga yimid dawladaha iyo ururada calaaqaadka wanaagsani kala dhexeeyo, balse Imaaraatku soo saareen hadal ay ku durayso dawladnimada Soomaaliya, kuna abuurayso xasrad iyo fawdo, sida Yeman iyo Libya ay colaad lugaha ugu galisay.

Waxa uu xusay in Imaaraat-ku faragalin ku hayo arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo soo maraya qaar ka mid ah madaxda dawlad goboleedyada oo markii ay saxiixeen heshiiskii doorashada 17-da September ka dib safar ku tagay Imaaraat-ka, iyagoo diiday dhaqangalinta heshiiskii ay wax ka saxiixeen.

Tallaabooyinka ay ku kacday dawladda Imaaraat-ka Carabta ayuu sheegay  inay ka hor imaanayaan sharciga caalamiga ah, anshaxa diblomaasiyadeed iyo xiriirka walaalnimada labada wadan oo muddo dheer ku dhisnaa is-ixtiraam iyo iskaashi tixgalinaya nidaamka dawladnimo.

“Sheekh Zayed bin Sultan Al Nahyan wuxu ku qornaan jirey quluubta shacabta Soomaaliyeed aad na way u jeclaayeen, dulqaad iyo ilaalinta walaaltinimada ayaa dowladda Soomaaliyeed ku khasbay in markasta ay wanaajiso xiriirka labada dal” ayuu yri Wasiir Dubbe.

Arrimaha doorashada ayuu sheegay in dawladdu ay ku taagantahay heshiiskii madaxda dawladda, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ay Muqdisho ku gaareen, ayna diyaar u tahay in laga wada hadlo, wixii farsamo ahaan dhalilli ka jirto, taas oo madaxweynaha dawladda mudane Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo tanaasul badan ka muujiyey, shirna isugu yeeray mar kale madaxdii heshiiska saxiixday.

“Arrinaha Doorashooyinku waa arrin qusaysa Arimaha Gudaha ee Soomaaliya sida ay dalkasta u qusayso doorashadiisu, mana jiro dal ogolaanaya in qof waliba ka hadlo doorashada dalkiisa, doorashada Soomaaliya ma aha Timir xabaal taalla oo qof kasta gacanta gelin karo.” Ayuu yiri Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Mudane Cismaan Abuukar Dubbe.

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay ma wanaagsanayn calaaqaadka Soomaaliya iyo Imaaraat-ka Carabta, ka dib markii bishii April 2018-dii dawladda Soomaaliya garoonka diyaaradaha Muqdisho ka qabatay diyaarad waday lacag ka badan 9-milyan oo Dollar, taas oo Imaaraat-ku lahaa dawladuna sharci darro ku tilmaantay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo soo dhowaysay Taageero Midowga Yurub u fidiyey ciidanka Xoogga

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhowaysay taageero Maaliyaddeed oo midowga Yurub u fidiyey Ciidamada Qaranka Soomaaliya,midowga Yurub ayaa sidoo kale u…

GudahaWararka
November 29, 2023

Nigeria oo dalkeeda ka xayirtay duulimaadyada 10 shirkadood oo caalami ah

Legos (SONNA)-Dawladda Nigeria ayaa garoomadeeda diyaaradaha ka xanibtay ilaa 10-shirkadood oo duulimaadyadyo shacab ku imaan jiray Nigeria, ka dib dib…

Caalamka
September 5, 2020

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kaTacsiyeey Geerida Ahn Bashiir Kacaan oo Muqdisho ku geeriyooday

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu…

GudahaWararka
March 9, 2024

Soomaaliya oo qeyb ka ah shir ka dhacay UK kaas looga hadlay arrimaha gargaarka

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka UK kaga qeyb galay shir ku saabsan…

GudahaWararka
March 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023