Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Duqa muqdisho oo dhagax-dhigay waddada 26-ka June
    July 9, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay haweenka Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda
    July 9, 2025
    Wasiirka isgaarsiinta oo shir ku saabsan Teknolojiyadda uga qaybgalaya Switzerland
    July 8, 2025
    Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka oo Jowhar gaaray
    July 8, 2025
    Wasiirka amniga oo qaabilay danjiraha Shiinaha
    July 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Baadigoobka dad lagu la’yahay daadadkii Texas oo weli socda
    July 6, 2025
    Donald Trump oo riixaya xabbad-joojin cusub oo laga hirgaliyo Gaza
    July 4, 2025
    Turkiga oo qorsheynaya in la ballaariyo nidaamka hubka difaaca ee dallkiisa
    June 27, 2025
    Kulan la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda Israel iyo Iran oo ka dhacaya Geneva
    June 20, 2025
    Israel oo duqeysay goobo muhiim ah oo ku yaalla Iran
    June 13, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Jacaylka Af Soomaaliga iyo Ardayda Shiinaha
    July 2, 2025
    Xuska 27-ka June ee Maalinta Xoriyadda Jabuuti
    June 27, 2025
    26-ka juun “Curashadii Maandeeq”
    June 26, 2025
    Madaxweyne Xasan oo Goob Joog u noqday dhammaadka Sahminta Badda Soomaaliya (WARBIXIN)
    June 14, 2025
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Dawladda oo sheegtay in dagaalkii Balad-xaawo ay ku qabatay ku dhawaad 100-maxaasbiis ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dawladda oo sheegtay in dagaalkii Balad-xaawo ay ku qabatay ku dhawaad 100-maxaasbiis ah
GudahaWararka

Dawladda oo sheegtay in dagaalkii Balad-xaawo ay ku qabatay ku dhawaad 100-maxaasbiis ah

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 25, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Shir jaraa’id oo uu maanta Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda FS Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu ku sheegay in la soo afjaray weerar ay xalay saq dhexe ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad fallaago ah oo ay tababartay ay ku soo qaadeen degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo ay ku doonayeen inay magaalada kula wareegaan.

Waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo u diyaarsanaa difaaca dhulka Soomaaliyeed ay u jilib dhigeen weerarkaas,  islamarkaana ay magaalada ka sifeeyeen, iyadoo ay taageereen shacabka gobolka Gedo oo dawladnimadooda ilaashanaya.

Wasiirka ayaa xusay in dagaalkaas lagu qabtay ku dhawaad 100-askari oo ka tirsan maleeshiyada fallaagada ah ee Kenya tababartay, kuwaas oo ciidanku ay ku hayaan goob ammaan ah, iyagoo ilaalinaya xeerarka ka yaal maxaabiista dagaalka.

Dubbe ayaa Kenya iyo maleeshiyada ay abaabushay ku eedeeyey inay madaafiic ku garaaceen dad shacab ah, waxaana uu xaqiijiyey geerida 6-ruux oo ahaa hooyo iyo 5-Carruur ah oo ay dhashay, isagoo dhinaca kale xusay in maleeshiyada ay ganacsiga magaalada weerareen ayna difaac ka dhigteen markii la hareereeyey dabaqa shirkadda Hormuud ee magaalada Balad-xaawo si isgaarsiinta loo dumiyo.

Qasaaraha soo gaaray ciidanka dawladda ayuu ku soo koobay inay jiraan dhaawacyo kooban oo soo gaaray, balse ma sheegin wax dhimasho ah.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda FS Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya baaritaan ku hayso macluumaadka hub culus oo kooxo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali ay doonayeen inay dalka soo galiyaan, si loogu qalqal galiyo xasilloonida Soomaaliya.

Hubkaas oo hadda xogtiisa ay dawladdu aruurinayso, iyadoo la raacayo nidaamka dawliga ah ee hubka sharci darrada ah ayuu ku sheegay inuu yahay mid aad u badan oo laga lahaa dano khatar ah oo colood dib ugu celin kara Soomaaliya oo hadda ka soo kabanayso dagaaladii sokeeye ee ay soo martay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Duqa muqdisho oo dhagax-dhigay waddada 26-ka June

𝑴𝒖𝒒𝒅𝒊𝒔𝒉𝒐(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta dhagax-dhigay…

July 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dibad bax lagu taageerayo gulufka dagaal ee ka dhanka ah Khawaarijta oo Cadaado ka dhacay

Muqdisho,(SONNA):-Banaan-baxaan oo ahaa mid lagu taageerayay dhameystirka wajiga 1-aad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ayaa ka dhacay magaalada…

GudahaWararka
August 18, 2023

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo magacaabay xubnaha Golaha uga mid noqonaya Baarlamaanada Afrika

Muqdiaho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay xubnaha Golaha Shacabka uga mid noqonaya Baarlamaanada Afrika,…

GudahaWararka
August 6, 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ururka G77

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Abshir Huruuse ayaa khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee ururka G77+China oo Laba maalin ka…

GudahaWararka
September 17, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Riyaad kaga qeybgalaya sadex shir oo muhiim ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray caasimadda Boqortooyada Sucuudiga ee Riyaad,halkaasi oo…

Gudaha
November 10, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023