Muqdisho (SONNA)- Shir jaraaโid oo uu maanta Muqdisho ku qabtay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda FS Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa waxa uu ku sheegay in la soo afjaray weerar ay xalay saq dhexe ciidanka Kenya iyo maleeshiyaad fallaago ah oo ay tababartay ay ku soo qaadeen degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, kaas oo ay ku doonayeen inay magaalada kula wareegaan.
Waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka oo u diyaarsanaa difaaca dhulka Soomaaliyeed ay u jilib dhigeen weerarkaas,ย islamarkaana ay magaalada ka sifeeyeen, iyadoo ay taageereen shacabka gobolka Gedo oo dawladnimadooda ilaashanaya.
Wasiirka ayaa xusay in dagaalkaas lagu qabtay ku dhawaad 100-askari oo ka tirsan maleeshiyada fallaagada ah ee Kenya tababartay, kuwaas oo ciidanku ay ku hayaan goob ammaan ah, iyagoo ilaalinaya xeerarka ka yaal maxaabiista dagaalka.
Dubbe ayaa Kenya iyo maleeshiyada ay abaabushay ku eedeeyey inay madaafiic ku garaaceen dad shacab ah, waxaana uu xaqiijiyey geerida 6-ruux oo ahaa hooyo iyo 5-Carruur ah oo ay dhashay, isagoo dhinaca kale xusay in maleeshiyada ay ganacsiga magaalada weerareen ayna difaac ka dhigteen markii la hareereeyey dabaqa shirkadda Hormuud ee magaalada Balad-xaawo si isgaarsiinta loo dumiyo.
Qasaaraha soo gaaray ciidanka dawladda ayuu ku soo koobay inay jiraan dhaawacyo kooban oo soo gaaray, balse ma sheegin wax dhimasho ah.
Dhinaca kale wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dawladda FS Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya baaritaan ku hayso macluumaadka hub culus oo kooxo isugu jira Ajnabi iyo Soomaali ay doonayeen inay dalka soo galiyaan, si loogu qalqal galiyo xasilloonida Soomaaliya.
Hubkaas oo hadda xogtiisa ay dawladdu aruurinayso, iyadoo la raacayo nidaamka dawliga ah ee hubka sharci darrada ah ayuu ku sheegay inuu yahay mid aad u badan oo laga lahaa dano khatar ah oo colood dib ugu celin kara Soomaaliya oo hadda ka soo kabanayso dagaaladii sokeeye ee ay soo martay.