Muqdisho(SONNA)-Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFSย mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ku hadlay magaca dowlada fadaraalka Soomaaliya ayaa cambaareeyay qaraxi argagixisonimo ee ka dhacay waqooyiga magalada gaalkacyo oo lagu dilay gudoomihi gobolka Mudug Alle ha u naxariistee, Axmed Muuse Nuur Daba-kariix.
Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir ayaa falkaas lagu dilay gudoomiyihi gobolka Mudug iyo sadax askari oo la socotay ku sheegay in ay fuliyeen argagixiso arxandaran oo caadeeystay daadinta dhiiga umadda Soomaaliyeed.
โInaalilaaha wa inaa ileyhi Raajuncuun dhammaan intii ku dhimitay weerarkii argagixiso ee maanta ka dhacay waqooyiga magaalada gaalkacyo ee puntland waxaan leenahay alle janadiisu firdowso ha idinku abaalmariyo gacan idinka xaqdaran ayaa idin dishay ,sido kale Dowladda Soomaaliya af adag ayay ku cambaareyneysaa falkaasi arxan darada ah ee kooxaha argagixisada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed โayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya .
Gudoomiyahi gobolka Mudug ee maamulka Puntland,ย Alle ha u naxariistee, Axmed Muuse Nuur oo maanta u geeriyooday qarax ay soo maleegeen argaxisada ayaa la sheegay in uu ka soo baxay shir amniga looga hadlaayay oo ka socday xarunta gobolka Mudug.