Addis ababa (SONNA)-Raโisulwasaare ku xigeenka Ethiopia ahna wasiirka arimaha dibadda Demeke Mekonnen ayaa sheegay in howlgalka ka socda gobalka Tigray ee waqooyiga itoobiya laga sameynayo horumar dhaqso ah.
Badbaadada shacabka ayaa waxa uu sheegay in ay ahmiyada koowaad siinayaan inta lagu gudo jiro howlgalka.
Demeke Mekonnen wuxuu tilmaamay in dowladu gargaar baniโaadanimo ka wado meelaha laga xoreeyay ciidamada TPLF ee gobalkaas.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyada oo Qaramada Midoobay iyo Hayโadaha gargaarka walaaca ka qabaan xaalada dadka rayidka ah ee ku nool gobalka tigreega .
Waxaa jira eedeymo sheegaya in gabood falo dagaal ay ka dhaceen galbeedka Tigray oo dad shacab ah lagu laayay.
Dagaalka ka socda waqooyiga Ethiopia oo galay maalinkii 12-Aad waxaa uu sababay barakac xoog leh .
Dalka Sudan Hayโadda UNHCR ayaa sheegtay in maalinkii ay gaaraan dad ku dhow 4,000 oo colaada ka baxsanaya.