Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”
Wararka

Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 12, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo Hay’adda dhinaca Horumarinta u qaabilsan dawladda Talyaaniga, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor looggu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee dalka.

Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaa si wada-jir ah u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda Dhinaca Horumarinta ee Talyaaniga Mr. Mr. Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weliba sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga.

Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr. Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay mashruucan ka fuliyaan wadanka, waxaana uu xusay in mashruucani bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay dalka ka fulinayaan.

Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya, isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka, isaga oo tilmaamay in mashruucan ay si wada-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weliba hay’adaha caalamiga ah ee fulinaya mashruucan.

“Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan.

Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa yiri: “Mashruucani wuxuu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxuu dadka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursado dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex-mara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka dalka.”

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidanka XDS oo gacanta ku dhigay Horjooge Al-shabaab ah

Janaale(SONNA)--Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa gacanta ku soo dhigay Horjoogihii Al-shabab u qaabilsanaa saldhiga deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.…

WararkaWargayska
March 21, 2020

Macallinku Waa Barbaariyaha Iyo Hagaha Bulshada

Maanta waa maalin ku wayn quluubta umadda Soomaaliyeed, waxayna ku beegan tahaysanadguuradii 50-aad maalinta Macallinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel…

GudahaMaqaallada
November 21, 2024

Diiwaan gelinta musharixiinta Madaxtinimada Galmudug oo Maanta ku eg.

Waxaa maanta ku eg diiwaangalinta Musharaxiinta Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen Galmudug, sida uu sheegay Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Galmudug.…

Wararka
January 27, 2020

Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada XFS oo Dooxa kula kulantay dhiggeeda Dowladda Qatar

Muqdisho.(SONNA): Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Al-makhzoumi ayaa magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar kulan mira…

GudahaWararka
March 1, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023