Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ka shaqeyn doonaa sidii xal loogu heli lahaa caafimaadka xoolaha”
    February 20, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”
Wararka

Dawladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis lagu horumarinaayo wax soo saarka Dalka “SAWIRRO”

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 12, 2020
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA)- Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS iyo Hay’adda dhinaca Horumarinta u qaabilsan dawladda Talyaaniga, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxeexday heshiis ku saabsan mashruuc kor looggu qaadayo qeybaha wax-soo-saarka ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca horumarinta Beeraha, Kalluumaysiga iyo Khayraadka kale ee dalka.

Mashruucan oo ay fulinayaan hay’adaha UNIDO, ILO iyo FAO, ayaa munaasibad looggu qabtay xarunta Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya, waxaa si wada-jir ah u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Inj. Cabdullaahi Cali Xasan iyo Madaxa hay’adda Dhinaca Horumarinta ee Talyaaniga Mr. Mr. Gugleilmo Giordano, iyada oo ay goob-joog ka ahaayeen Safiirka dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Danjire Alberto Vecchi, madax ka socotay hay’adaha UNIDO, FAO iy ILO iyo weliba sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga.

Madaxa hay’adda dhinaca horumarinta u qaabilsan Talyaaniga Mr. Gugleilmo Giordano oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay inay mashruucan ka fuliyaan wadanka, waxaana uu xusay in mashruucani bilow u yahay mashaariic kale oo horumarineed oo ay dalka ka fulinayaan.

Safiirka dawladda Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Alberto Vecchi oo isagu dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ka dawlad ahaan ay garab taagan yihiin Soomaaliya, isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin inay kala shaqeeyaan dhinacyada horumarka iyo dhismaha dawladnimo ee dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mashruucani uu ahmiyad weyn u leeyahay guud ahaan dalka, waxaana uu xusay in sidoo kale lagu horumarinayo hay’adaha dawladda ee qaabilsan dhinaca Wax-soo-saarka dalka, isaga oo tilmaamay in mashruucan ay si wada-jir ah uga soo wada-shaqeeyeen Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Beeraha iyo weliba hay’adaha caalamiga ah ee fulinaya mashruucan.

“Mashruucan oo ah mashruuc bilow ah, wuxu horumarin u yahay horumarinta qeybaha wax-soo-saarka ee dalka iyo in la dhiso hay’adaha qaabilsan wax-soo-saarka, runtii waa mashruuc ahmiyad weyn u leh dalka oo si aada loogga soo shaqeeyey, waxaana si wada-jir ah mashruucan uga soo shaqeeyey Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo hay’adaha dawladda ee Wax-soo-saarka dalka”. Ayuu yidhi Inj. Cabdullaahi Cali Xasan.

Wasiirka Ganacsiga oo hadalkiisa sii wata, ayaa yiri: “Mashruucani wuxuu kor u qaadayaa dhaqaalaha wadankeena, wuxuu dadka u abuurayaa shaqo, wuxu lee yahay fursado dhaqaale, wuxu abuurayaa meelahii laga sameyn lahaa warshadaha dalka iyo weli ba sidoo kale inuu innoo abuuraayo tartan dhex-mara hay’adaha wax-soo-saarka ee dalka oo ay ku tartamaan wax-soo-saarka dalka.”

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran …

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga gudaha oo shir muhiim ah uga qeybgalay Serbia

Belgrade (SONNA) - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Dr. Yuusuf Cali Maxamed oo shaqo…

GudahaWararka
December 5, 2024

“BANAANKA CEELBUUR CARAR MOOYEE ISKA CELI MA LEH” )WARBIXIN)

Inta aannu u gudagalin dulucda warbixinteenna maanta aan bal dib u milicsanno taariikh ahaan waa magaalo ceynkee ah Degmada Ceelbuur?…

MaqaalladaWararka
August 26, 2023

Ciidamada Qaranka oo toogasho ku dilay dhagar qabe Qarax aasayay

Jowhar-(SONNA)- Taliyaha Qaybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka Gen.Axmed Maxamed Treedisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay toogasho ku…

Wararka
September 29, 2019

Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee Gaalkacyo oo soo bandhigay shaqaale iyo gaari kuwa gurmadka deg dega ah “SAWIRRO”

Gaalkacyo (SONNA) - Mas’uuliyiinta Dowladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo ayaa dadaallo xooggan ku bixiyay sidii Gaalkacyo ay u heli lahayd…

Wararka
January 16, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023