Ciidanka Xoogga Daka Soomaaiiyeed waxa uu beryahaan wadaa howlgallo ku socda xowle, kaasi oo lagu xoreynayao deegaannada ay weli ku harsan yihiin kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, waxayna gacan dowladda soo galiyeen deegaanno aad u fara badan oo ay ka mid yihiin Degmada Celdheer, Masagawaa, Hilowle Gaab, Maraay Suuleey iyo kuwa kale o ka kala tirsan Gobolada Shabeellada Dhexe iyo Galguduud.
Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa sheegtay in howgallo ay ku khaarijeen 130 khawaarij ah, waxaana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta, sidaasi waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga, Howlgalladaasina waxay dhaceen degaanno ka tirsan Galmudug, Hirshabeelle, iyo Jubbaland.
Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa maalmihii la soo dhaafay guulo ballaaran ka soo hooyay dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta Shabaab, kaasoo ka socda qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka, iyadoo howlgalladdii ugu dambeeyay Khawaarijta looga saaray dhul ballaaran oo ka kala tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle, sidoo kale waxaa howlgallo naafeeyay Khawaarijta ay ka dhaceen deegaanno ka tirsan maamul-goboleedka Jubbaland.
Dhulka laga saaray Khawaarijta waxaa ka mid ah howdka Shabeeloow, waddada muhiimka u ah ee Caadleey, Buurta Yacgoos, Baraag Ismaaciil, iyo kuwa kale oo dhammaantood ka tirsan gobolka Mudug, waxaana War-saxaafadeedka lagu sheegay in deegaannadaasi ay ahaayeen kuwo muhiim u ah Khawaarijta. Sidoo kale ciidanka Qaranka iyo ciidanka difaaca shacabka ayaa khawaarijta ka sifeeyay Degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer, Magaalada Masagawaa, deegaanka Maraay Suuleey oo ka tirsan bariga gobolka Galguduud.
War-saxaafadeedka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inta ay socdeen howlgalladaasi waxaa lagu dilay in ka badan 130 ka tirsan Khawaarij, waxaana laga furtay Hub, waxaana la burburiyay qalab kala duwan iyo goobo gabbaad u ahaa Khawaatrijta, ugu dambeyntiina Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa hambalyo dhiirigalin ah u dirtay geesiyaasha Qaranka, uguna mahadcelisay Shacabka Soomaaliyeed ee la garab taagan taageerada ballaaran. Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidanka Difaaca shacabka waxaa ka goโan in dalkeenna laga ciribtiro kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab.
Dhinaca Galmudug, Dagaal Culus ayaa ka socda degaanka Jeex-Jeex oo hoos-taga Magaalada Caad ee Konfurta gobolka Mudug, halkaasi oo Ciidamada Qaranka iyo xoogagga deegaanku ay cadowga casharo ugu dhigayaan. Kumaandooska xoogga dalka ee Gor-Gor iyo kuwa difaaca Shacabka ayaa weerar Culus ku qaaday goobo ay isku aruursanayeen Maleyshiyaadka Khawaarijtu, waxaana lagu jabiyey difaacyadii ay gabaadka ka dhiganayeen.
Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Dayax Cabdi Cabdulle ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Ciidanka Qaranka ay Guul weyn ka gaareen Dagaalka shalay ka dhacay Deegaanka Jeex Jeex, islamarkaana Khawaarijta laga saaray goobtii dagaalku ka dhacay oo hadda la sii baacsanayo firxadkooda.
Taliyaha Ciidanka Dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle, oo la hadlay Warbaahinta Qaranka sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka u dhow Caad lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan, islamarkaana looga furtay hub. โCiidanka waxay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen kooxaha falaagada ah, kaasi oo saacado badan socday, waxaa lagu gaarsiiyay jab xoog leh, iyadoo la burburiyay saldhigyo badan ay ku lahaayeen aagga Caadโ. ayaa yiri Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.
Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkii maalin ka hor ka dhacay deegaanka Baraag iyo meel deegaanka Caad u jirto 10 KM, halkaasi oo kooxaha Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xooggan, iyadoo la burburiyay saldhigyo halkaasi ay ku lahaayeen, waxaana laga furtay hub tiro badan.
โKhasaaraha Khawaarijta soo gaaray lama soo koobi karo, meel kasta waxay daad gureynayaan khasaarihii soo gaaray, Gaadiidna waa laga gubay oo kuwa dagaalka ah, hub badana waa laga helayโ. ayuu yiri taliye Gen. Dayax Cabdi Cabdulle.
Warka Taliyaha waxa uu daba joogaa oo uu faahfaahinayay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa warsaxaafadeed shalay ka soo baxay ku sheegtayย in howgalladii ugu dambeeyay Khawaarijta looga dilay 130 khawaarij ah, loogana lagu furtay hub, iyadoo laga burburiyay qalab iyo goobo gabaad u ahaa khawaarijta.
โAnnaga nooma talin kartaan, Wiilal aan deegaanka u dhalanโ, sidaasi waxaa yiri Oday ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka ee Beelaha dega magaalada Guriceel, kaasi oo ay ku wareejanayeen Xoolo nool Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Difaaca Shacabka oo markaasi ku sugnaa goobtooda difaac.
Dhinaca kale Garab istaaga ayuuย Wasiirka Gaashaandhiga u muujiyay Aabe Siciid Cabdullaahi Cawaale oo soo Afjartay fikirkii ay khawaarijta Al-shabaabku ku cabsi galin jireen dadka deegaanka, taasi oo ay u sheegi jireen in aysan dowladu difaaci doonan sidaa daraadeed ay dagaalka ka baaqsadaan una dulqaataan duleynta ay ku hayaan, waxaana la gudoonsiiyay Qoriga loo yaqaan AK 47, kadib markii uu qaadi waayay Qoriga ay Soomaalidu u taqaan Baasuukaha, kana codsaday Wasirka Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac inuu siiyo Qoriga meelaha fog fog wax lagagaย tookto.
Aabahaan Saciid Cabdullaahi oo 77 sano jir ah ayaa aad uga mahadceliyay Wasiirka Gaashaandhigga oo Qorigaasi siiyay, si uu u sii wato howshiisa uu iskii isugu diray, waxa uuna goor walba u taagan yahay la dagaalanka kooxda Khawaarijta ah ee al-shabaab, waxa uu ka soo qeybqaatay dagaallo badan oo ka dhacay deegaannada uu ka soo jeedo.
Dowladda Somaaliya ayaa haatan galisay dardar cusub dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta ee Al-shabaab, maadaama uu hakad ku jiray sababo la xariira Roobab iyo Fatahaado aad u daran markii ay ka dhaceen dalka kadib, balse haatan waxaa istaagay Roobabkii, islamarkaana waxaa yaraaday daadadkii ka dhashay fataha Webiyada iyo kuwa ka dhashay Roobabka, sidaas awgeed ayaa hadda waxaa socda howgallo lagu sii baacsanayo kooxda, waxaana gacanta Khawaarijta laga bixiyay Degmooyin iyo deegaanno fara badan oo ay ugu muhiimsan tahay Degmada Qadiimiga ah ee Ceeldheer ee bariga Gobolka Galguduud.
By: C/lahi Ruush ย