Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS
    January 9, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo caawa khudbad u jeediyey Shacabka Soomaaliyeed
    January 8, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar iyo Xoghayaha guud ee QM oo qadka Telefonka kaga wada hadlay faragelinta Israa’iil kula kacday Soomaaliya
    January 8, 2026
    Taliyaha ciidanka Booliiska oo shirguddoomiyey shirka taliyeyaasha Booliiska
    January 8, 2026
    Maamulka Shabeellada Dhexe oo deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidanka xoogga ee jooga Wargaadhi
    January 8, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Danjire Warfaa oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyay wafdi ka socda DF iyo M/gobolleedyada
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjire Warfaa oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyay wafdi ka socda DF iyo M/gobolleedyada
GudahaWararka

Danjire Warfaa oo xafiiskiisa ku soo dhoweeyay wafdi ka socda DF iyo M/gobolleedyada

By Dahir Aadan Cali
Last updated: August 17, 2023
2 Min Read
Share

Adis Ababa,( SONNNA):- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa,ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey wafdi ballaaran oo ka socday Wasaaradaha kala duwan ee Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedyada dalka, kuwaas oo shaqo Qaran u jooga dalkan Ethiopia.

Wafdigan oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib Heshiisiinta XFS, Mudane Caydaruus Macalin Xasan ayaa Safiirku waxa uu warbixin kooban ka siiyay hawlaha diplomaasiyadeed iyo kuwo bulsho ee ay safaaraddu u hayso oo wakillka uga tahay Dawladda Soomaaliya iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan Ethiopia, wuxuuna sheegay inay horumaro badan ka gaareen arrimahaas iyo adeeg-yada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Caydaruus Macalin ayaa Safiir Warfaa uga xog waramay safarka ay wafdiga uu hogaaminayo kusoo gaareen dalka Ethiopia, isagoo tilmaamay inay Addis Ababa u joogaan arrimo shaqo oo la xiriira masuuliyadaha ay u hayaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa ka warbixiyay hawlo muhiimad weyn u leh Qaranka Soomaaliyeed oo doonayaan inay khibradooda la wadaagaan Diplomaasiyiinta safaaradaha Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu horeeyaan arrimaha dad dhigista *Civil registration* iyo bixinta aqoonsiga dadweynaha “National ID” Hawlaha dad dhigista ayuu sheegay inay ka mid tahay bixinta shahaadooyinka dhalashada, dhimashada, guurka ilma korsashada iyo furiinka oo meel fiican u mareysa wasaarada iyo sidii loo heli lahaa diiwaangalin casri ah oo mideysan taasoo ka dhaqangasha dhamaan dagmooyinka dalka iyo safaaradaha dalalka ay Soomaalidu ku noolyihiin.

Wafdigan oo uu kamid yahay maareeyaha Hay’adda aqoonsiga iyo diiwangalinta qaranka NIRA (National Identification and Registration Authority) Cabdiweli Cali Timacadde ayaa safiirka uga warbixiyay halka ay marayan dedaalada dhismaha Hay’adda isagoo sheegay in dhawaan si rasmi ah loo bilaabi doono bixinta aqoonsiga dadweynaha.

Wafdigan ayaa joogi doona Ethiopia maalmo kooban, waxayna dib ugu laaban doonaan Caasimadda dalka ee Muqdisho kadib marka ay u dhamaadaan hawlaha Qaran ee ay u joogaan Addis Ababa.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Bayaan wadajir ah oo ku saabsan booqashada sharci-darrada ah ee xubno ka tirsan Israa’iil ay ku yimaadeen gobollada waqooyi ee JFS

Muqdisho(SONNA):-Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Masar, Jamhuuriyadda Aljeeriya, Jamhuuriyadda Bangaladesh, Midowga Jasiiradaha Comoros, Jamhuuriyadda Jabuuti,…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Deegaanka A-lkowsar oo mar kale lagu jabiyey Khawaarijta

Jowhar (SONNA): Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Xaq-u-dirirka deegaanka ayaa cashar adag u dhigay isku day fulaynimo ah oo Khawaarijtu ku…

GudahaWararka
February 25, 2025

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka dalalka Islaamka

Muqdisho (SONNA):Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa gaaray Caasimadda Gambia ee Banjul, halkaas uu kaga…

GudahaWararka
May 4, 2024

Wasaaradda Cayaaraha oo amartay in la joojiyo dhamaan tartamada Isboortiga Dalka

Muqdisho (SONNA)- Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye,  ayaa soo saartay qoraal lagu hakinayo muddo…

Wararka
March 18, 2020

Ra’iisul wasaare Xamse oo kormeer ugu tagay ciidanka Danab ee Jubbaland ka hawlgala

Kismaayo (SONNA): Ra'iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho dhiirigelin iyo bogaadin ah ugu tagay…

GudahaWararka
July 31, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023