Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Danjire Kullane oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjire Kullane oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika
GudahaWararka

Danjire Kullane oo ka qeyb galay aqoon-isweydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika

By Dahir Aadan Cali
Last updated: June 30, 2023
4 Min Read
Share

Changsha,(SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee Dalka shiinaha Danjire Cawaale Cali Kullane ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay kulan looga hadlayay iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika oo lagu qabtay magaalada Changsha ee gobolka Hunan.

Aqoon kororsigan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Shiinaha, iyo maamulka Gobolka Hunan, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii sare loogu qaadi lahaa iskaashiga ka dhexeeya Shiinaha iyo Geeska Afrika ee nabadda iyo horumarka.

Danjire Kullane, ayaa khudbadiisa ku sheegay in uu aad ugu mahadcelinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha oo martigelisay aqoon isweydaarsigan, isla markaana u fidisay gogol ay ku wadahadli karaan, ayaga oo ay iska kaashanayaan Shiinaha iyo dalalaka xubnaha ka Geeska Afrika. Waxa uu Danjiraha ammaanay sida ay Shiinaha uga go’an tahay nabadda, horumarka, iyo barwaaqa doonka gobolka, sida ay muujiyeen hindisayaal ay ka mid yihiin “Initiative of Development Nabadda Geeska Afrika” oo uu soo jeediyay mudane Wang Yi wasiirkii arrimaha dibadda ee dalka shiinaha.

Danjire Kullane ayaa iftiimiyay guulaha cajiibka ah ee ergayga gaarka ah ee Xue Bing uu ka gaaray kobcinta iskaashiga ee xiriirka Shiinaha uu la leeyahay Dalalka Geeska Afrika. Wuxuu ammaanay dadaalka diblomaasiyadeed ee ergeyga gaarka ah Mudane Xue Bing, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Shiinaha uga go’an tahay xasilloonida gobolka iyo horumarka geeska Afrika.

Danjire Kullane oo soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya ayaa tilmaamay horumarka ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya ee ay hormuudka ka yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Barre. Wuxuu carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay horumariso arrimaha muhiimka ah ee qaranka iyada oo loo marayo wada hadal siyaasadeed, oo ay ku jiraan heshiisyada federaalaynta maaliyadda iyo isbeddelka qaabdhismeedka amniga qaranka.

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la horumariyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Shiinaha iyo Geeska Afrika. Waxa uu ku baaqay in aad loo baahiyo, ayada oo laga sii balaatiyo in ka badan intii caadadad ahayd iyo sidoo kale in la sahamiyo fursado dheeraad ah ee xaga beeraha, wax soo saarka, farsamada, iyo dalxiiska. Waxa uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay horumarinta raasammaalka dadka, kobcinta awoodda, iyo isbeddelka dhijitaalka ah si loo dhaqaajiyo horumar waara iyo xoojinta xidhiidhka Shiinaha iyo Geeska Afrika.

Aqoon-is-weydaarsiga iskaashiga Shiinaha iyo Geeska Afrika wuxuu bixiyay fursad qaali ah oo lagu xoojinayo iskaashiga iyo sahaminta hab cusub ee iskaashi.

Ugu dambeyn, Aqoon-is-weydaarsiga oo la qabtay 30-kii Juun 2023, ayaa waxaa isugu yimid Madax iyo wakiillo ka kala socday dalalka Geeska Afrika ah, sida Itoobiya, Eritrea, Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Uganda, Suudaan, iyo Koonfurta Suudaan. Madaxda iyo Martida sharafta lahayd waxaa ka mid ahaa H.E. Xue Bing, Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee arrimaha Geeska Afrika, H.E. Mudane Girma Amente, Wasiirka Beeraha ee Itoobiya, iyo H.E. Mr. Frank K. Tumwebaze, Wasiirka Beeraha, Warshadaha Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee Uganda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan-doceed la qaatay Ra”iisul wasaaraha Itoobiya

Addis-ababa(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb-galaya Meertada 38-aad ee Shir-madaxeedka Midowga Afrika ayaa kulan-doceed…

GudahaWararka
February 14, 2025

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Roma kaga qeybgalay shirka Taliyayaasha Ciidamada Dhulka ee Afrika

Muqdisho-SONNA- Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Sareeye guuto Sahal Cabdulahi Cumar ayaa magaalada Rome ee Dalka Talyaaniga kaga qayb…

GudahaWararka
March 28, 2026

Madaxweynaha JFS oo maanta gaaray magaalada Kismaayo 

Kismaayo(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Jubaland.…

GudahaWararka
October 5, 2025

Shirkada diyaaradaha ee Egypt Air oo Duulimaadyo ka bilaabaysa Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta qaabbilay wafdi ka socda Hay’adda Duulista…

GudahaWararka
March 18, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023