Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka
    February 21, 2026
    Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed
    February 21, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    February 20, 2026
    Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka
    February 20, 2026
    Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”
    February 20, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo booqday magaalada Eldoret
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo booqday magaalada Eldoret
GudahaWararka

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo booqday magaalada Eldoret

By Dahir Aadan Cali
Last updated: May 4, 2025
2 Min Read
Share

Eldoret,(SONNA):- Danjiraha Soomaaliya u jooga Dalka Kenya ayaa booqasho taariikhi ah ku tegay magaalada Eldoret, gobolka Rift Valley ee dalka Kenya.

Eldoret oo ah magaalada shanaad ee ugu weyn dalka Kenya ayaa hooy u ah jaaliyad Soomaaliyeed oo ballaaran. Jaaliyaddan ayaa door muuqda ku leh kobaca dhaqaalaha magaalada, iyaga oo si weyn ugu lug leh ganacsiga, xoolo dhaqashada, iyo beeralayda.

Danjiraha iyo xubnaha diblomaasiyiinta la socda ayaa booqday suuqyada waaweyn ee magaalada, gaar ahaan suuqa caanka ah ee Islii-Yareey, oo ah xarun ganacsi oo ay si weyn u maamulaan ganacsatada Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxay booqdeen xarumo ganacsi oo waaweyn, iyaga oo la kulmay ganacsato Soomaaliyeed oo ka ganacsada badeecooyin kala duwan, isla markaana dhoofiya shidaal iyo alaabooyin kale oo loo dhoofiyo dalalka dariska ah sida South Sudan, Rwanda, Suudaan iyo DRC-Congo.

Intii ay socotay booqashada, Danjire Jabril ayaa la kulmay madaxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Eldoret, isaga oo xog wareysi iyo dhiirrigelin u sameeyay bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan. Madaxda jaaliyadda ayaa u gudbiyay cabashooyin la xiriira caqabadaha dhinaca safarka iyo ganacsiga, waxaana la isla gartay in la magacaabo guddi joogto ah oo xiriir toos ah la leh safaaradda.

Xaflad habeenkii ka dhacday magaalada ayaa lagu soo dhoweeyay danjiraha iyo wafdigiisa, iyadoo lagu muujiyay taageero iyo farxad weyn oo ay dadku u qabaan booqashadiisa. Madaxda jaaliyadda ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee mas’uul heer sare ah oo Soomaaliyeed uu si rasmi ah u booqdo jaaliyadda Eldoret.

Danjiraha ayaa dhankiisa uga mahadceliyay madaxda gobolka iyo kuwa magaalada Eldoret sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen, isaga oo xusay in xiriirka Soomaaliya iyo Kenya uu marayo heerkii ugu wanaagsanaa, ayna safaaraddu diyaar u tahay in ay sii xoojiso taageerada ay siiso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Muqdisho(SONNA):-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo…

February 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Aswa(SONNA);-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa la kulmay…

GudahaWararka
October 20, 2025

Maamulka K/Galbeed oo xalay casho sharaf u sameeyay xulka K/Cagta

Xalay magaalada Baydhabo, waxaa lagu qabtay casho sharaf loo sameeyay xulka kubadda cagta ee Koofur Galbeed ee dhowaan ka qeybgalay…

Wararka
January 15, 2021

Jabuuti iyo Kenya oo sheegay in ay Soomaaliya ka taageerayaan dagaalka lagula jiro Khawaarijta

Muqdisho (SONNA)-Dalalka Jabuuti iyo Kenya ayaa mar kale sheegay in ay ka taageerayaan dowladda Federaalka Soomaaliya dagaalka ay kula jirto…

GudahaWararka
December 31, 2022

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo faahfaahin ka bixiyay socdaalka uu ku marayo dalalka qeyb ka ah hawlgalka Midowga Afrika

Kampala, (SONNA):- Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal uu ku marayo dalalka Soomaaliya ciidamadu…

GudahaWararka
November 7, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023