Muqdisho-(SONNA)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Ambassador: Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo horjeeddo isla markaana dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta XFS Ambassador: Daahir Maxamuud Geelle “Itoobiya waxay kasoo horjeedaa oo dhib ku ah in Soomaaliya ay dhisato ciidan awood leh.”
Danjire Geelle oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa intaa raaciyay in daandaansiga Itoobiya uusan salka ku hayn heshiiska lala galay Masar balse ay diiddan tahay in ay Soomaaliya xoog yeelato ama amni iyo horumar ay gaarto.
Mudane, Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay ka dhaadhici la’dahay in aynu nahay laba dal oo deris ah, in aynu nabad ku wada noolaanno iyo in ay Soomaaliya u madax bannaanaan karto danaheeda guud iyo cidda ay xiriirka la samaysanayso.
Sidoo kale, Wasiir Daahir Geelle ayaa sheegay in qofka maanta taageeraya damaca gurracan ee Itoobiya ay caruurtiisuna la safanyihiin kuwa diiddan in laga hadlo xadgudubka cadowga, isaguna uu taariikhda baal-madow ka geli doono.
Danjire Geelle ayaa Meesha ka saaray abaalka beenta ah ee ay Itoobiya ku sheegato Soomaaliya iyadoo marmarsiyo ka dhigata in ay dalkeenna u hurtay dhiig lana dagaallamayso khawaarijta, wuxuuna xusay in taasi dhiggeeda ay Itoobiya tahay cidda abuurtay argagixisada dhibaatana ku haysa Soomaaliya.
Wasiir Daahir Maxamuud Geelle “Itoobiya iyada ayaa abuurtay argagixisada dhibaatada ku heysan Soomaaliya iska daay abaal ay noo gashaye.”