Adis Ababa (SONNA): Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia mudane Cabdullaahi Warfaa iyo dhiggiisa Jamhuuriyadda Jabuuti mudane Cabdi Maxamuud oo ku kulmay Addis Ababa ayaa ka wada hadlay arrimaha quseeya labada dal, iyagoo si wadajir ah isula qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dal.
Dhinaca kale, Danjire Cabdullaahi Warfaa oo uu weheliyo u qaybsanaha waxbarashada ee Safaaradda Cabdikariin Maxamed Cabdullahi ayaa safaaradda Addis Ababa ku qaabilay agaasimaha guud ee deeqaha waxbarasho ee wasaaradda waxbarashada Ethiopia Dr. Idossa Terfassa Geleta, waxayna isla qaateen kobcinta fursadaha deeqaha waxbarasho ee ay Soomaaliya ka hesho Ethiopia gaar ahaan heerarka Master iyo PhD-da.