Mqdisho,(SONNA):-Danjirayaasha Soomaaliya iyo Comoros ee dalka Ethiopia Ambassador Cabdullaahi Maxamed Warfaa iyo Ambassador Youssouf Assoumani Mondoha, ayaa xaruunta Safaaradda Comoros ee Addis Ababa ku yeeshay kulan ay uga wadda hadleen adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.
Danjire Warfaa ayaa dhigiisa Comoros Danjire Mondoha uga mahad celiyay soo dhoweynta diirran ee uu ugu sameeyey xafiiskiisa Safaaradda Comoros ee Addis Ababa, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu xambaarsan yahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah, Dawladda Soomaaliya dhankeedana ay diyaar u tahay adkaynta iskaashiga labada dal.
Sidoo kale, Safiir Cabdullaahi ayaa Danjire Youssouf warbixin kooban kasiiyay xaaladda guud iyo horumarka Soomaaliya ay ka gaartay arrimaha adkaynta nabad-gelyada,dhaqaalaha, soo afjaridda khawaarijta Al-Shabaab, turxaan bixinta iyo tayeynta hay’adaha Dawladda,qorshaha dayn cafinta iyo qodobo kale oo saldhig u ah Dawlad-wanaaga Soomaaliya.
Safiirka Comoros ee Ethiopia Youssouf Assoumani ayaa dhiggiisa Soomaaliya Danjire Cabdullaahi Warfaa u caddeeyey in uu si weyn u bogaadinayo kulankan, isla markaana dhankooda ay ballan qaadayaan xoojinta xiriirka Comoros iyo Soomaaliya ayna diyaar u yihiin inay garab istaag buuxa u muujiyaan Soomaaliya.