Muqdisho,(SONNA):-Danjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa maanta ku soo dhaweeyay xarunta safaaradda Soomaaliya Danjiraha dalka Ireland u fadhida dalalka Kenya iyo Soomaaliya Marwa Caitrรญona Ingoldsby.
Labada Danjire ayaa kawada hadlay arrimo quseeya danaha labada dal ee Soomaaliya iyo Ireland,si gaar ah waxaa ay diirada u saareen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Golaha Amaanka, Degenaanshaha gobolka iyo mashaariicda ay taageerto dalka Ireland ee ka socda gudaha dalka Soomaaliya.