Muqdisho (SONNA):- Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Abdulle ayaa booqday suuqa weyn ee Business Bay Square Mall isaga oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka kala tirsan dowladaha dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Danjire oo ka hadlay booqashadiisa ayaa yiri, “Waxaa sharaf ii ahayd inaan soo booqdo Suuqa weyn ee cusub ee Business Bay Square Mall (BBS Mall) ee dhawaan laga dhisay xaafada Eastleigh ee magaalada Nairobi.”
Danjiraha waxa uu intaas ku daray, โWaxaa aad uga mahadcelinaynaa maamulka Business Bay Square Mall oo si hagar laโaan ah noogu soo dhaweeyay suuqa BBS Mall. Waxaa aad ula yaabnay quruxda iyo muqaalka Suuqaan oo ah kii ugu weynaa ee laga fuliyo wadamada geeska iyo bartamaha Afrikaโ.
Safiirka waxa uu hambalyo iyo bogaadin u diray guudoomiyaha Business Bay Square Mall, Ganacsade Moalim Wali iyo guud ahaan maamulka Suuqa, oo uu hogaaminayo Mudane Muniir Axmad,
Macalin Wali ma aha oo kaliya inuu dhisay Mall-ka balse sidoo kale wuxuu uu ku soo kordhiyay dalka Kenya goobo ganacsi oo casir ah
Damjire Jabril Ibrahim Abdulle ayaa sidoo kale sheegay “Markaan dhex marayay Suuqa, waxa aan aad ula dhacay naqshadda casriga ah iyo jawiga sare, oo i xusuusinaya goobaha ganacsi ee ku yaal wadamada horumaray iyo kuwa Bariga Dhexe. Waxay ahayd wax aan ula dhacay in aan arko kumanaan macaamiil iyo ganacsato faraxsan oo ku dhex jiray ganacsigoodaโ
Mid ka mid ah waxyaabaha ugu xiisaha badan waa Suuqa Dahabka ugu weyn ee Afrika ee Sub-Saharan, kaas oo la filayo inuu soo jiito ganacsiga iyo shacab ka kala yimaada Bariga iyo Bartamaha Afrika.