Muqdisho(SONNA):-Danjiraha Soomaaliya ee Tanzania Ilyaas Cali Xasan ayaa kormeer kusameeyey qeyb kamid ah hantida maguurtada ah ee dalkeena ku leeyahay Tanzania oo ka kooban dhulka xaruntii hore ee safaaradda iyo guriga degaanka safiirka halkaas oo ay safaaradeenu si ku meelgaar ah hada ugu howlgasho.
Danjire Ilyaas ayaa sheegay in uu dhulkii Qunsulyadeenii hore ee Dar es Salaam iyo dhul ballaaran oo ay noogu deeqdey dowladda Tanzania oo sidoo kale kamid ah hantideena maguurtada taasoo muujineysa ahmiyadda uu leeyahay xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal.
“Insha Allah, waxaan diiradda saari doonaa Aniga iyo Teamkeyga safaarada soo celinta bilicda xarumahan iyada oo la kaashaneyno Dowladeena Soomaaliya, Ganacsatada iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddankan Tanzania”. ayuu yiri danjire Ilyaas Cali Xasan