Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland
    June 2, 2026
    Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Hay’adaha Amniga Soomaaliya
    June 2, 2026
    DFS oo ka qeyb gashay kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Afrika ay la yeesheen Madaxweynaha K/Koonfureed
    June 2, 2026
    Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Daahfurtay Ereybixinta Amniga Saaybarka ee Af-Soomaaliga
    June 2, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay Wasiirka Qorsheynta Boqortooyada Eswatini
    June 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Danjiraha Soomaaliya ee QM oo khudbad ka jeediyey kulanka golaha ammaanka
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Danjiraha Soomaaliya ee QM oo khudbad ka jeediyey kulanka golaha ammaanka
GudahaWararka

Danjiraha Soomaaliya ee QM oo khudbad ka jeediyey kulanka golaha ammaanka

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: June 24, 2024
3 Min Read
Share

New York (SONNA): Wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cusmaan oo maanta khudbad ka jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa iftiimiyey horumarka laga gaaray hannaanka dowladnimada iyo arrimaha amniga ee dalka.

Danjire Abuukar waxa uu carrabka ku dhuftay inuu billaawday dadaal u dhexeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, kaas oo la xiriira sidii loosoo gabagabeyn lahaa hawlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Danjiraha ayaa u sheegay golaha ammaanka in koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban xubno ka kala socda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay in ay bilaabeen wada tashiyo ku saabsan sidii looga gudbi lahaa xilliga kala guurka ah, iyada oo ujeedadu tahay in la hagaajiyo isuduwidda iyo hannaanka taageeridda Soomaaliya.

Nidaamkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo qaab-dhismeedka iyo dadaallada horumarineed Soomaaliya.

Danjire Abuukar oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Soomaaliya ugu heelan tahay dib u habeynta lagu hirgelinayo nidaamka doorasho ee ku dhisan hal qof iyo hal cod.

Tillabadan ayaa muujinaysa in laga guurayo habkii ku dhisnaa awood qaybsiga qabiilka, waxeyna daliil u tahay sida ay uga go’an tahay dowladda Soomaaliya in la helo maamul loo dhan yahay oo meteli kara shacabka.

“Doorashooyinka soo socda ee dalka, waxaa loo qorsheeyay in la xoojiyo awoodda shacabaka” ayuu yiri danjire Abuukar.

Danjiraha ayaa sidoo kale tilmaamay hawlgallada ka dhanka ah kooxda aragagixisada ah ee Al-shabaab ee ay fulinayan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, iyaga oo taageero ka helaya saaxibada caalamaka.

Hawlgalladaas waxaa ka dhashay in la xoreeyo deegaano muhiim ah oo ay hore uga talinaysay argagixisadu. Guulahaas ay soo hoyeen ciidanku waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadanayaan nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya iyo xasilloonida, waxeyna albaabada u furayaan dadaallo dheeraad ah oo isagu jira dib u dhis iyo horumarin.

Danjire Abuukar waxa uu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay sii xoojiso taageerada Soomaaliya, iyaga oo bixinaya agabka iyo kaalmada farsamo ee loo baahan yahay si loo dhaqan geliyo isbedelada la qorsheeyay iyo tillaabooyinka la xiriira arrimaha amniga.

Isla falgalka dowladda iyo Qaramada Midoobay waxay astaan u tahay tillaabo muhiim ah oo loo qaaday in dalku gaaro isk filanaansho . Xafiiska UNSOM waxa uu ka qaybqaatay hirgelinta doorashooyiin iyo guulaha laga gaaray kooxda Al-shabaab, waana arrin ka marqaati kaceysa horumarka iyo adkeysiga Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si wanaagsan uga riyaaqay warbixinta Danjire Abuukar Cusmaan, waxeyna xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan hiigsiga Soomaaliya ee nabadda iyo horumar mustaqbalka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan oo shir kaga qaybgalaya Switzerland

Geneva (SONNA): Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta…

June 2, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga XFS oo shirka (ESCWA) uga qeyb galay dalka Tunisiya

Muqdisho.(SONNA):- Wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha ee dawlada Federalka mudane Cabdisalaam Shariif Xuseen ayaa dalka Tunisiya uga qayb galay…

GudahaWararka
March 8, 2023

Ra’iisul wasaare Xigeenka dalka oo furay Shirweynaha dib u qaabeynta Waxbarashadda

Muqdisho(SONNA):-Ku simaha Ra'iisul Wasaaraha Ahna Ra'iisul wasaare ku-xigeenka XFS Saalax Axmed jaamac ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Dib-u-qaabeynta…

GudahaWararka
September 23, 2023

Xoogga Dalka oo shacabka ku garab siinaya siidii looga hortagi la haa fatahaadaha wabiga Shabeelle

Ururka 294 aad guutada 29 aad daljir qeybta 27 aad ee ciidanka xoogga dalka ee ku sugan magalada Beladweyn ayaa…

GudahaWararka
November 24, 2024

Wasiirka warfaafinta oo la kulmay safiirka Maraykanka

Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Daua'uud Aweys ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha Mareykanka ee…

GudahaWararka
August 14, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023