Nairobi (SONNA): Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Hay’adda Barnaamijka deegaanka ee Qaramada Midoobay ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano UNEP, Marwa Inger Andersen.
Labada dhinac ayaa kawada hadlay saameeynt uu isbadalka cimilada ku yeeshay dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Danjire Jabril ayaa warbixiyay da’daalada ay dowlada Soomaaliya ugu jirto ka hortaga dhibaatooyinka ka dhashay isbadalka cimilada iyo degaanka. Waxa uu sidoo kaloo la wadaagay qorshayaasha dhow iyo kawa fog ay dowlada Soomaaliya ka leedahay arimaha quseeya cilimada.
Dhanka kale, Agaasime Inger Andersen, ayaa sheegtay in dowlada Federaalka Soomaaliya ay qaaday da’daalo la taaban karo oo la xiriira xakameynta dhibaatooyinka ka dhashay isbadalka deegaanka iyo cimilada. Waxa ay sidoo kale ay balan qaaday in Qaramada Midoobay taageero buuxda siin-doonto dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.