Muqdisho (SONNA) Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq Liibaan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo lataliyaha 1-aad ee arrimaha siyaasadda mudane Cabdifataax Sheekh Axmed ayaa maanta kulan kula yeeshay madaxweynaha Dalka aan walaalaha nahay ee Ciraaq Dr Cabdiladhiif Jamaal Rashid.
Danjiraha oo lagu qaabilay qasriga madaxtooyada ayaa salaan iyo hambalyo uu ka siday madaxweynaha JFS Dr Xassan Sheekh Maxamuud u gudbiyay madaxweyne Dr Cabdiladhiif Jamaal, isagoo warbixin kooban ka siiyey xaaladihii u danbeeyey ee dalka iyo arrimaha hortabinta u leh xukuumadda ee dhameeystirka dadaaladda dalka looga xorreynayo Khawaarijta, deyn cafinta iyo dhameystirka Dstuurka dalka.
Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya iyo Ciraaq ka dhaxeeyo xariir walaaltinimo oo qoto dheer, sidaa darteedna lagama maarmaan ay tahay in la xoojiyo xariirkaas, dibna loo cusbooneysiiyo heshiisyadii hore, gaar ahaana iskaashiga dhaqaalaha oo uu ugu horeeyo mashruucii Ciraaqsom ee sifeeynta betroolka iyo kii maalgashiga beeraha, kaluumeysiga iyo xoolah ee labada dal kala saxiixdeen 1981.
Danjiraha ayaa uga mahadcelyey Ciraaq cafinta deeyntii ay ku laheyd Soomaaliya, asigoo ka codsaday in inta hartayna ay cafiyaan.
Dhanka iskaashiga amniga ayuu ka codsaday in Ciraaq ka caawiso Soomaaliya dagaalka dib u xoreeynta ee ka dhanka ah khawaarijta iyo in madaxweynaha Ciraaq booqdo Soomaaliya, maadaama uu Soomaaliya ku noolaan jiray todobaatameeyadii, isagoo dalabkaasi uu soo dhaweeyay.
Dhankiisa madaxweynaha Ciraaq ayaa salaan iyo bogaadin u soo gudbiyey dhiggiisa Soomaaliya, asigoo ugu hambalyeeyay guulaha Sooomaaliya ka gaartay ladagaalanka khawaarijta, sidoo kalena balan qaaday in Ciraaq ka caawin doonto Soomaaliya dhanka amniga deyn cafinta iyo dib u soo celinta safaarddii iyo masaariicdii Ciraaq ku laheeyd Soomaliya waqti dhaw.