Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika
    May 11, 2026
    Tirinta cododka Doorashooyinka K/Galbeed oo la soo geba-gebeeyay
    May 11, 2026
    Wasiirka Arimaha Dibadda oo Nairobi uga qaybgalay shir madaxeedka Africa Forward
    May 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Dhiggiisa Dalka Algeria
    May 11, 2026
    Madaxweynaha JFS oo gaaray Uganda
    May 11, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: Dagaal u dhexeeya Armenia Iyo Azerbaijan oo ka qarxay xuduudda Labada dal
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Caalamka > Dagaal u dhexeeya Armenia Iyo Azerbaijan oo ka qarxay xuduudda Labada dal
CaalamkaWararka

Dagaal u dhexeeya Armenia Iyo Azerbaijan oo ka qarxay xuduudda Labada dal

By Aadan Sooyaal
Last updated: September 27, 2020
3 Min Read
Share

Baku (SONNA)- Isku dhacyo u dhexeeya xoogaga Armenia iyo Azerbaijan ayaa ka bilowday Gobolka labada dhinac ay ku muransan yihiin ee Nagorno-Karabakh, waxaana la soo riday diyaarad helicopter ah oo ciidanka Azebaijan leeyihiin.

Ra’iisul wasaaraha Azerbaijan Nikol Pashinyan ayaa sheegay in ciidankiis ay qaadeen duqeymo dhanka hawada ah iyo madaafiicda artilariga.

Azerbaijan ayaa sheegtay in ay duqeynta jawaab u aheyd weerar lagu soo qaaday xuduuda waxaana lagu waxyeeleeyay dad shacab ah.

Xiisadda muddada dheer u dhexeysay labada dhinac ayaa waxaa ay soo labo kacleysay bilihii u dambeeyay.

Labada dal waxaa ay ka tirsanaayeen Midowgii Sofiyeet oo burburay sanadkii 1991.

Gobolka Nagorno-Karabakh oo muranka ka taagan yahay ayaa waxaa loo aqoonsan yahay inuu ka tirsan yahay Azerbaijan laakiin dadka degan gobolka ayaa isir ahaan raacsan dalka Armenia.

Dagaal xuduuda ka dhacay bishii Luulyo waxaa ku dhintay ugu yeraan 16 ruux, taas oo ka dambeysay markii banana baxyo lagu dalbanayo in dowladda dib ula wareegto gobolka ay ka dhaceen caasimadda Azerbaijan ee Baku.

Wasiirka difaaca Armenia ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday xaafadaha shacabku degan Yihiin ee magaalaa caasimadda u ah gobolka ee Stepanakert uu bilowday sideedii subaxnimada ee xilliga wadanka.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in labo helicopter iyo sadex diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee drones la soo riday.

“Jawaabteenu waxay noqon doontaa mid ku haboon, hogaanka siyaasadda militiriga  Azerbaijan ayaa qaadan doona mas’uuliyadda wixii dhacay,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay.

Isla wakhtigaas, Azerbaijan ayaa ku dhawaaqday howlgal wax iska caabin ah oo ciidanka ku beegsan doonaan kuwa Armenia, si loo xaqiijiyo bad qabka dadweynaha.

Duqeymo xoogan ayaa waxyeeleeyay dhowr tuulo waxaana taasi keentay dhimasho iyo dhaawac shacabka soo gaara sidoo kale waxaa la burburiyay goobaha muhiimka ah, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca.

Wasaaradda difaaca Azerbaijan ayaa intaas ku dartay in diyaarad helicopter ah la waayay dhankooda, halka 12 hanaan difaaceed Armenia leedahay la burburiyay.

Xiisadda labada dhinac ayaa iska soo taraysay tan iyo 2016 kolkaas oo labada dal fooda is dareen muddo affar maalin ah dagaalkooda socday.

Ururka nabadda iyo iskaashiga ee Yurub oo loo soo gaabiyo OSCE ayaa muddo ku howlanaa sidii wadahadal loogu dhammeyn lahaa muranka, sidoo kale waxaa qeyb ka ah dadaalada xal u raadinta diplomaasiyiin ka kala socota France, Russia iyo Mareykanka, taas oo keentay in la gaaro heshiiskii xabbad joojinta ahaa ee magaalada Minsk lagu gaaray.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qeyb galay shir madaxeedka Afrika

Nairobi,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam…

May 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle

Muqdisho:(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa saaka kulan kula qaatay magaalada Djibouti Madaxweynaha dowladda aan walaalaha…

Wararka
June 18, 2020

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Xudur kula kulmay Gudoomiyaasha degmooyinka Bakool & Odayaasha dhaqanka

Xudur (SONNA)- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool…

Wararka
September 12, 2019

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo kaalmo u dirtay deegaannada Lambar 50

Muqdisho (SONNA): Hay'adda maareynta musiibooyinka Qaranka ee SoDMA ayaa maanta shixnad gargaar ah u dirtay deegaanka Lambar 50 ee gobolka…

GudahaWararka
August 28, 2024

Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya oo muddo Todobaad ah ku suganahay Dalka Turkiga Ayaa maanta dib ugu…

Wararka
September 3, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023