Goobaha codbixinta ayaa furmay saaka todobadii subaxnimo,iyafoo dadka reer Yugaandha ay u dareereen doorashada madaxtinimada iyo tan baarlamaanka ee dalkaasi.
11 oo uu ku jiro madaxweynaha talada haya ayaa u taagan xilka madaxweynaha, sidoo kale waxaa ku jira qof dumar ah.
Labada murashax oo tartanka adag dhex mari doono waa madaxweyne Yoweri Museveni oo 76 sano jir ah dalkana xukumayay muddo 35 sano ah, iyo fanaanka daโda yare e Bobi Wine oo 38 sano jir ah.
Robbert Kyagulanyi oo loo yaqaano Bobi Wine ayaa sheegay in uu matalayo daโyarta reer Uganda iyadoo Museveni oo sheegay in uu u taagan yahay xasiloonida dalka.
18.1 milyan ayaa loo diiwaan geliyay ka qeybgalka doorashada, madaxweynaha markii shanaad ayuu tartamayaa xilligan, sidoo kale shacabka Uganda waxay dooran doonaan xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 529 mudane. Guuleystaha doorashada ayaa laga rabaa in uu helo 51% si looga fogaado wareeg kale oo tartan ah.
Xukuumadda ayaa amartay in la xiro baraha bulshada inta doorashada socoto, madaxweynaha waxaa uu sheegay in dhowr bog oo ay leeyihiin taageeriyaasha xisbigiisa sidoo kale hawada laga saaray.
Arbacadii Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu la baxay korjoogtada doorashada ka dib markii inta badan kormeeriyaashaas loo diiday rukhsadaha.
Afhayeenka madaxweyne Moseveni oo hadalkaas ka jawaabay ayaa qoraal soo dhigay Twitter wuxuu sheegay in doorashada korjoogto ka yihiin kormeeriyaal ka socda midowga Afrika iyo bulshada bariga Afrika.