Hogaamiyayaasha Qatar, Masar iyo Maraykanka ayaa ku casuumay Israel iyo Xamaas inay 15ka Agoosto dib u bilaabaan wadahadalada xabad joojinta oo hakaday marar badan.
Bayaan ay soo saareen madaxda dalalkaasi ayaa lagu sheegay in la joogo waqtigii gargaar degdeg ah loo keeni lahaa dadka muddada dheer ku dhexjiray dagaalka Gaza iyo xal u helidda kuwa la heystayaasha ah ee ku jira gacanta Xamaas.
Israa’iil ayaa aqbashay martiqaadka ah inay ka qaybgasho wada-hadallada la soo jeediyay, halka Xamaas aysan weli ka jawaabin codsigaasi.
Codsiga dalalkaasi ayaa yimid xilli ugu yaraan 15 qof la dilay,isla markaana la dhaawacay 30 kale ,kadib markii ย millatariga Israaโiil ay dhawr jeer weerarro ku qaadeen laba dugsi oo ay gabaad ka dhiganayeen barokacayaal Falastiiniyiin ah oo ku sugnaa ย bariga magaalada Qaza.
Weli waxaa sii kordhaya xiisadda gobolka,iyada oo laga cabsi qabo weerar loogu aargudayo dilka ismacil Haniyah.
Ugu yaraan 39699 qof ayaa la dilay ,91722 waxaa lagu dhaawacay dagaalka Israaโiil ee Gaza.