Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah
    October 19, 2025
    Wasiirka Howlaha Guud ee XFS oo kulmay Wafdi ka socda Dalka Vietnam
    October 19, 2025
    Codbixiyaal gaaraya 923,220-Qof, oo iska Diiwaangeliyay Gobolka Banaadir
    October 19, 2025
    Saraakiil ka tirsan hay’adaha amniga oo tababar uga furmay Muqdisho
    October 19, 2025
    Danjire Ilyaas Cali Xasan oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Kinshaasa
    October 19, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Dadaalka Dowladda ee la dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Maqaallada > Dadaalka Dowladda ee la dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)
MaqaalladaWararka

Dadaalka Dowladda ee la dagaalka Khawaarijta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 24, 2023
5 Min Read
Share

Dawladda Soomaaliya waxa ay cagta ku haysaa waddada ay ku xaqiijinayso ahdaafta Qaran ee leh hor-tabinta,1- Ciribtirka Khawaarijta,2-Dayn-cafinta,3 qaadista cunaqabataynta Hubka,4-Dagaalka Musuqa,5-geediga-Dimuquraadiyadda.

Sidaasi awgeed Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa qorshe qabyo ah oo la sheegay in Golaha Amaanka ee Qaramada Modoobay uu horey ugu rogay Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya kadib markii 1992-uu Dalka ka qarxay Dagaalka sokeeye, Rabshadihii Hogaamiye Kooxeedyada Dalka iyo kooxihii Hubeysnaa ee Ururo-Diimeedyada.

Ku darsoo Dalku wuxuu leeyahay Xeeb dheer iyo xuduudo iska furan maadama ay burburtay Dowladii Dalka ka jirtay, iyadoo qeybaha kor ku xusan ay fursad u heleen inay noocyada hubka kala soo degaanka, taasoo sii dheereysay Colaada isla markaasna laga cabsaday inay ku fidaan Dalalka Deriska. Sanadkii 2013-kii ayay Golaha Amaanka ee UN-ka ay si aqlabiyad ah ugu codeeyeen in qeyb ahaan la qaado xayiraadii saarneyd muddo sanad ah, wuxuuna qaraarkaan u saamaxay Dowladda Federaalka inay soo iibsayo Hubka noocyada dhexe iyo kuwa fudud, si ay uga caawiso inay Dagaalka ay kula jirto Kooxaha Argagixisada iyo in Ciidamadeeda xagga Amaanka hormariyaan.

Waxaa dhamaadka sanadkaan lagu wadaa in Golaha Amaanka ay shir ka yeeshaan sidii loogu oggolaan lahaa in Dowladu soo iibsato Noocyada Taangiyada, Hoobiyaha dhumucdiisu gaareyso 120-mm, noocyada Drones-ka, Diyaaradaha, Maraakiibta Dagaalka noocyada Sawaariiqda iyo lidka diyaaradaha.

Waxaa kaloo jirta in kulan looga hadlayay howlgalka wadajirka ah ee dowladaha safka hore lagu qabtay xarunta ciidanka howlgalka wadajirka ah  ee Muqdisho. Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka howlgalka wadajirka ah ee Doowladaha Safka hore Jeneraal Maxamed Cali Bariise, Abaanduulaha iyo ku xigeenkiisa dhanka Lojistikada ee Howlgalka, Safiirka ku xigeenka dowlada Mareekanka u fadhiya Soomaaliya Ambassador Timothy Trenkle, U qeybsanaha Arimaha Siyaasada iyo U qeybsanaha Arimaha Ciidanka ee Safaarada.

Kulaanka ayaa looga Hadlay arrimo badan ay ka mid yihiin:

  • Ahmiyada Howlgalkaan iyo sidii Dowlada Mareykanka uga qeyb qaadan laheyd.
  • la dagaalanka dhibaatada Khawaarijta khatarta ku ah Dowladaha Gobolka iyo kuwa Caalamiga.
  • Qorshaha diyaar garowga iyo meelaha ay wax maraayaan.
  • Muhiimada ay leedahay abaabulka iyo ka qeyb galka bulshada (Community Engagement) iyo ilaalinta dadka rayidka (Protection of Civilian).
  • Muhiimada ay leedahay Xasilinta (Estabilisation).

Dhinaca kale Ilo Diblomaasiyadeed ayaa xaqiijiyay in Dowladda Maraykanka ay dhawaan marti gelin doonto Kulan Qaaraan loogu uruurinaayo Ciidamada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inay ka soo qeyb galaan ilaa 6-Dal oo ay ku jiraan Midowga Yurub, kaasoo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Newyork ee Wadanka Maraykanka bisha Septembar ee sanadkan, marka uu bilowdo shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay, kaasi oo ka dhici doon Magaalada New Yorka

Warkaan oo laga soo xigtay  Saraakiil Shisheeye oo daneynaysa arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Yabooha kaalmadaan ay si gaar ah u khuseyso Ciidamada Dowladda Federaalka, iyadoo lagu wado inay ka soo qeyb galaan Kulanka Dalalka USA, Qatar, UAE, Turkiga, Sacuudiga iyo Dalalka ku bahoobay Midowga Yurub, waxaana lagu wado in Qaaraankasi uu Soomaaliya gaarsiin karo haddii la helo, baahida Qalab iyo Saad ee Ciidamada Federaalka ilaa Sanadka 2027-ka.

Ciidamada Dowladda ilaa 2006-dii dagaal kula jirtay Kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo kooxdani laga saaray Magaalooyinka waaweyn, balse weli maamula degaanno Baadiyaha ah, abaabul ay Ciidamada Dowlada oo kaashanaaya Xoogagga  Maxali ah oo soo bilaawday sanadkii tagay (2022-kii), Iskaashigaan ayaa suurto geliyay in Degaanno badan laga xoreeyo kooxda Khawaarijta ah ee Shababka.

Kooxdaan oo cadaadis kaga imaanaya Gulufka Ciidamada Dowlada ayaa kaga jawaabay qorshe laba afle ah, waa marka hore waxay isku dir ka dhex bilaabeen Beelaha dhexdooda, iyagoo ku taageeray Beelaha qaarkood Hub iyo Rasaas, si loo masquuliyo dagaalka ay kula jiraan Kooxda Maleeshiyaad Argagixisada ah ee Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyayCiidanka kumaandooska Xoogga dalka Soomaliyeed ee Danab ayaa maanta howlgal ka dhan ah kooxda khawaariijta ah ka sameeyay deganno dhowr ah oo hoos yimaada dagmada galcad ee gobolka Galgaduud.

Degannadaasi oo kala ah Ceel Hareeri, Baraagta Sheekh Caamir iyo dhulka Howdka ah ee udhaxeeya Cowsweyne iyo Baraagta Sheekh Caamir oo dhanka bari 33km kaga beegan degmada Galcad  ayay ciidanku  burburiyeen fariisimo ay khawaarijtu ku dhuumaleysaneen iyo miinooyin ay la damacsanaayeen in ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah oo ay ku diyarinayeen degaannadaasi, iyadoo Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan oo la hadlay Warabaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay ka war heleen dhagarta khawaarijta ay u soo maleegayaan Shacabka,islamarakan ay ciidamadu ay ka hortageen.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

DF oo xoojineysa Gurmadka Dadka Danyarta ah

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa…

October 19, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Federaalka oo shaacisay Dowladaha gacanta ka geysanaya wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta

Muqdisho,(SONNNA):- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dardar gelineysa dagaalka ka dhanka Khawaarijta ah ayaa tan iyo markii uu bilowday dagaalkaas waxay…

GudahaMaqaalladaWararka
August 5, 2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka hadlay halka uu marayo shirka wada tashiga Qaran

Muqdisho-(SONNA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka hadlay halka uu marayo shirka wada tashiga Qaran oo…

GudahaWararka
October 8, 2024

Shirkadda Maraakiibta ganacsiga Djibouti oo ka hawlgalaysa Muqdisho “Sawirro”

Muqdisho (ISONNA)-Daahfurka shirakadda maraakiibta ganacsiga Djibouti oo maanta markabkii ugu horeeyey oo shirkaas u rarnaa ku soo xirtay dekada Muqdisho…

GanacsigaWararka
September 18, 2020

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo si kulul uga hadlay damaca Itoobiya

Muqdisho (SONNA) - Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta soo abaabulay dibadbax ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin dhowr…

GudahaWararka
January 3, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023