Muqdisho(SONNA):-Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dab fiidnimadii xalay ka kacay Suuqa Ganacsiga ee Degamada Tog-Wajaale oo ku taala xadka u dhaxeeya maamulka Somaliland ee Soomaaliya iyo dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Dabka ayaa ku fiday guud ahaan Suuqa Wajaale, waxaana halkaas ku basbeelay qaar ka mid ah goobihii ganacsiga, ka hor inta aysan gaarin gawaarida dabdamiska Somaliland iyo kuwa dowlad deegaanka Soomaalida, kuwaas oo kala tagay magaalooyinka Hargeysa iyo Jigjiga.
Taliyaha Ciidama dabdamiska maamulka Somaliland Axmed Sawaaxili oo warbaahinta kula hadlay Suuqa gubtay ee Wajaale ayaa ka warbixiyey khaasaaraha ka dhashay dabka iyo sababta keentay in uu dabka ku fido Suuqa kaas oo keentay in goobo ganacsi ay basbeelaan.
Ugu horreyn Taliyaha oo ka hadlaya sababta keentay in uu dabka fido ayaa yiri, โdabka xoogiisa aad buu u fara badnaa, waxaa fara badinaaya dadku garan maayaan, jiingada ay kor ka saarayaan goobaha ganacsi ayaa keentay in dabeeshu soo qabato dabkuna uu sidaas ku fido.โ
Dabka oo xalay xilli dambe lagu guuleystay in la damiyo ayaa weli waxaa la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dabka ka dhashay, laamaha Amniga iyo kuwa maamulka ayaana wali ka hadlin markii laga tago Taliyaha dabdamiska Ciidamada Somaliland.