Muqdisho-(SONNA)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Danjire Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in Itoobiya ay iyada abuurtay argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya abaalka ay sheeganaysana uu yahay been abuur.
Wasiir Daahir Maxamuud Geelle “Itoobiya iyada ayaa abuurtay argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya iska daay abaal ay noo gashaye.”
Danjire Geelle oo la hadlayay warbaahinta Qaranka ayaa Meesha ka saaray abaalka beenta ah ee ay Itoobiya ku sheegato Soomaaliya, iyadoo marmarsiyo ka dhigata in ay dalkeenna u hurtay dhiig lana dagaallamayso khawaarijta.
Wasiir Daahir Geelle ayaa sheegay in qofka maanta taageeraya damaca gurracan ee Itoobiya ay caruurtiisuna la safanyihiin kuwa diiddan in laga hadlo xadgudubka cadowga, isaguna uu taariikhda baal-madow ka geli doono.