Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya
    February 20, 2026
    Heshiisyada wadajirka ah ee kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya ayaa qeexaya in kheyraadka dabiiciga ah ay leeyihiin shacabka Soomaaliyeed
    February 19, 2026
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Soomaaliya
    February 19, 2026
    Wasiirka dekedaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah
    February 19, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika iyo xubno kale
    February 19, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka ay Israaiil siisay Somaliland
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka ay Israaiil siisay Somaliland
GudahaWararka

Culimada Soomaaliyeed oo Bayaan ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka ay Israaiil siisay Somaliland

By Dahir Aadan Cali
Last updated: December 28, 2025
3 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):- Midowga Golayaasha Culimada Soomaaliyeed oo ku shiray Muqdisho ayaa Warsaxaafadeed ka soo saaray xadgudubka iyo aqoonsi beenaadka Israaiil ee ka dhanka ah madax banaanida Soomaaliya.

Dood dheere iyo falaqeyn ka dib, culimada ayaa soo saaray bayaan ay kaga hadlayaan tallaabada halista ah ee gumeystaha Israaiil uu ku aqoonsaday maamulka Somaliland, taas oo si toos ah u taabaneysa midnimada Qaranka iyo madax bannaaninada Jamhuuriyadda Federaalka.

                          Bayaanka ay soo saareen culimada:-

  1. Midowga Golayaasha culimada Soomaaliyeed waxay si cad oo mugdi ku jirin u caddeynayaan diidmadooda buuxda oo ay ka qabaan faragelinta iyo duulaanka qaawan ee gumeystaha Israaiil uu ku soo qaaday jiritaanka ummadda Soomaaliyeed iyo caqiidadooda.
  2. Midowga Golayaasha culimada Soomaaliyeed, waxay caddeynayaan in shareecada Islaamka waajibisay ilaalinta midnimada umadda muslimiinta ah ayna waajib Diini muqadas tahay in laga hortago kala qeybsanaan iyo faragelin shisheeye, gaar ahaan midda ka imaaneysa cadowga sida joogtada u gumaadayo, u barakacinayo ugana xadgudbayo walaalaheen reer Falastiin.
  3. Aqoonsi beenaadkan wuxuu albaabka u furayaa hirgelinta waxaa loogu yeero mashruuca Abraham ama ‘’ Diinta Ibraahiimyada’. kaas oo ah sameynta iyo dhoodhiibidda Diin beenaad cusub oo lid ku ah caqiidadeena Islaamka ee toosan.
  4. Ujeeddada dhabta ah ee sahyuuniyada ee tallaabada dhallanteedka ah ugu diiratay waa in la wiiqo kaalintii taariikhiga ahayd ee ummadda Soomaaliyeed ku lahayd difaaca kacbada sharafta leh iyo labada Xaram iyo marinka Istiraatiijiga ah ee Baabul Mandab iyo ka hortagga cadowga kasta oo weerar ku ah.
  5. Midowga Culimada Soomaaliyeed, waxay ugu baaqayaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka feejignaadaan adeegsiga, faafinta ama taageeridda hal-ku -dhigyada, astaamaha iyo calamada ay leeyihiin cadowga Sahyuuniyadda, maddaana ay arrintaas si cad uga hor imaaneyso axkaamka iyo qiyamka Diinta Islaamka.
  6. Midowga Culimada Soomaaliyeed, Waxay ugu baaqayaan dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed, muxaafad iyo mucaarad in ay muujiyaan biseyl siyaasadeed iyo mas’uuliyad Qaran una midowbaan difaaca midnimada, madax bannaanida iyo wadajirka jamhuutiyadda federaalka Soomaaliyeed, iyagoo lagu garab istaagayo Dowladda Soomaaliyeed dadaallada dibloomaasiyeed iyo tallaabooyinka sharciga ah ee ay ku difaaceyso qaranimada ummadda Soomaaliyeed.
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wasiirka dekedaha XFS oo heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa…

February 20, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

 Suudaan oo soo rogtay xaalad deg-deg ah Fatahaadda darteed

Khartoum-(SONNA)-Golaha Difaaca iyo Amniga Suudaan ayaa dalkaasi ku soo rogay xaalad degdeg ah oo socon doona mudd 3 bilood ah.…

CaalamkaGudahaWararka
September 6, 2020

Shirka amniga gobolka Banaadir oo looga hadlay furidta waddooyinka iyo arrimo kale

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa shir gudoomiyay kulanka amniga Caasimadda oo…

GudahaWararka
January 6, 2025

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo maanta xarigga ka jaray dhismaha waddada Nasiib Buundo qaybteeda degmada Shibis

Muqdisho(SONNA):- Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga…

GudahaWararka
December 31, 2025

Wasiirka Difaaca Kenya oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho,(SONNA);- Waasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Wasiirka Difaaca dalka…

GudahaWararka
December 29, 2022

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023