Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
    Wanlaweyn oo ku soo baxday Tartanka Ramadaan iyo jadwalka wareegga 4-aad oo la sameeyay
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Cows-weyne Cadowgii (Al-shabaab), Wallee Caana kama dhamin (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Cows-weyne Cadowgii (Al-shabaab), Wallee Caana kama dhamin (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Cows-weyne Cadowgii (Al-shabaab), Wallee Caana kama dhamin (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 27, 2023
7 Min Read
Share

Muqdisho(SONNA):-Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay shalay aroortii hore  maleeshiyada Khawaarijta ah ku soo  qaadeen deegaanka Cows-wayne oo ka tirsan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galguduud oo dhawaan dib loo xoreeyay, iyadoo ay wararku sheegayaan in Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ay jilibka u dhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin, Kuwo nafood haligayaal ah iyo Maleeshiyaadkoodaba, waxaana uu Dagaalkaasi ku soo gabagaboobay Kooxdii duulaanka soo qaaday oo si weyn loo jabiyay, waxaaa la isugu daray xabbado uga imaanayay Ciidamada isgarabsanaya iyo duqeyn dhinaca cirka ah.

Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Dowlad-gobolleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle , waxaana soconaaya dhamaystirka hawlgalka ka dhanka Kooxdaas nabad-diidka ah ee ku gamban jirtay Diinta Islaamka, balse ay arrintaasi fashil ku soo dhamaatay, ka dib markii Dadka Soomaaliyeed ay fahmeen inay caqiidadoodu tahay inay banneystaan Shacabka Dhiiggooda iyo Maalkooda.

Cows-weyne tiro tamar daran oo Argagixiso ah ayaa soo weerartay, mid nabad qabana kama laaban, balse waxaa jira Dad caadeystay in ay buun buniyaan wararka ay soo qoraan Warbaahinta Kooxda Khawaarijta ah, islamarkaana aan ka hadlin marka ay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay guulo gaaraan sida qabashadii Magaalada Ceelbuur oo la ogsoon yahay inaysan wax jooq ahba ka oran, ma sheegayaan  tiradaa Khawaarijta ka baqtisay aan arag, laakiin halyeeyada shahiiday Eheladooda ku diganaya, kuwaasi meesha ay noo joogo ayay na tuseen, waxna kama qaban karaan halganka dib u xoreynta deegaannada ee ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ee ka socda Dalka, waxaan u sheegeynaa in Deegaanka  Cows-weyne Raggii xoreystaa inay ku xarakoonaya, daggaalkuna waa gabagabo.

“ Khawaarijta iyo Af-khawaarijku sidaas ayay been iyo cabaad isugu dhinaca wadeen ilaa maalintii sifeyntooda bilaabatay, iyaga oo sidaasi ah ayaana inta ugu dambeysa Godadka loogu tagayaa insha allaah”, sidaasi waxaa Bartiisa Bulshada ku qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala.

“Waxaan Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Kacdoonka shacabka uga hambalyeynayaa guulaha wax ku oolka ah ee laga soo hooyay howl-gallada Khawaarijta looga xoreynayo dalka. Waxaan si gaar ah u bogaadinayaa howl-galladii ugu dambeeyay ee degmooyinka iyo deegaannada ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug oo ay ugu dambeysay degmada Ceelbuur looga xoreeyay kooxda Khawaarijta ah ee xilliga dheer horumarka ka hor taagneyd dadka iyo deegaanka”, sidaasi waxaa yiri Raiisul-waarihii hore ee Dalka Mudane Xasan Cali Kheyre.

Raiisulwaarihii hore waxa uu aad ugu mahadcelinayaa intii ka qeybqaadatay dib u xoreyntii Magalada Ceelbuur, ayaa yiri:- Waxaan u mahad celinayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay howl-gallada oo ay ugu horreeyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee loo carbiyay ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta Ummadda Soomaaliyeed, saaxiibada Soomaaliya la garab taagan taageerada buuxda iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xasuusinayaa dowladda labadeeda heer muhiimadda ay leedahay in xoogga la saaro gaarsiinta adeegyada dowladeed, xasilinta iyo horumrinta deegaannada laga saaray Khawaarijta, waxaana mar kale ku baaqayaa in loo midoobo dagaalka dib-u-xoreynta ee Khawaarijta lagu cirib tirayo”.

Dhallinyarooy magaalooyin aan hubo in aanad badankiin hore u arkin ayaa maanta xor ah. Kuwiina ku dhashayna, idinka oo yar yar ayaa la idinka soo waday, si aad meelo ay nolol iyo waxbarasho taal ugu kortaan. Waxaana laga soo tegay intii ay tabartu u deyrisay oo awoodi waayay inay soo guuraan. Marrastaas ayaa 15 sano ku hoos noolaa Shayaadiin nolosha iyo horumarkaba col la ah.

Maanta haddii uu dhulkii dib u xoroobay waxaa mahaddaas leh Ilaaheey,  ka dibna Madaxweyne Xasan Sheekh oo tan iyo maalintuu xafiiska yimid aanan nasan, isagoo isku howlay diyaarinta cudud dawladeed oo dalka iyo dadka xoreysa. Cid kasta oo dadaalka dawladda garabgashay oo ay beeluhu ugu horreeyaan ayaa iyagana ammaan mudan.

Kaalinta dawladdu waa xoreyn, xejin & xasillin, halka kaalinta beeluhuna ay yihiin wada-noolaasho iyo wax-wada-qabsi. Waxyaabaha miraha guusha beylihi doona oo dhiigga mujaahidiintii xoreynta u dhimatay dayaci doonana waxaa ugu weyn badawnimada iyo faanka Facebook ku kooban oo lala tago magaalooyinka ay noloshu billowga u tahay. Magaalo hebel yaa leh? Waxaa leh intii ku noolayd markii ay Argagaxisadu joogtay oo lagu daray intii hadda ka dib tegi doonta, si ay u horumariso. Suaasha kale Yaanan laheyn? Badawga shalay Argagaxisada ka baqi jiray oo aanan tegi jirin, ee maanta markii ay wiilal faciis ah u xoreeyeen raba inuu xin iyo xasarad u aado.

Howlgalka ka dhanka ah khawaarijta oo ka socda degaanno kamid ah Galmudug iyo Hirshabeelle,waxan geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa degaan garab taagan bulshada qeybaheeda kala duwan. Ururada Haweenka Gobolka Banaadir ayaa dhankooda u istaagay sidii cuntooyin fudud ay ciidamada u gaarsiin lahayeen, halka qaarkood ay  qeyb ka yihin howlgallada socda, sidaasi awgeed Guddoomiyaha ururka Haweenka Gobolka Banaadir  Jawaahir Baarqab oo ka qeyb galeysay Barnaamijka Raad raaca oo oo ka baxa Talefeshinka Qaranka ayaa sheegtay in ay sameyeen olola is-xilqaan ah oo ay ku garb istaagayaan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Deegaanka.

Guddoomiye Jawaahir Baarqab” haddaan nahey haweenka Soomaaliyeed waxaan sameyney is-xilqaan aan ku garab istaageyno Ciidamada furimaha dagaalka kula jira khawaarijta dalka looga xoreynaayo”, Sanatar hore Naciimo Ibraahim”waan garab taaganahay kuna taageereynaa naftood hurayaasha xoogga Dalka ee guulaha ka soo hooyay dagaalka dalka looga xoreynaayo khawaarijta oo dhibaatada dalkaan ay ka geysteen qoys kasta iyo guri kasta oo Soomaaliyeed ay gaartay”, ayay iyaduna sii raacisay.

Geesiyaasha xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa guula waaweyn ka soo hooyay howlgaladii ugu dambeyay ee khawaarijta looga saaray deegaanno iyo tolooyin ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle, waxaana ugu dambeysay tii dib loogu xoreynta Magaalada Ceelbuur oo ay kooxda Khawaarijta ah ay joogeen muddo ka badan 16 sano.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Guutada 17aad ee Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ciidamada Xoogaa Dalka oo lagu bogaadiyay howlgal lagu jabiyay Khawaarijta

Muqdisho,(SONNA):- Taliyaha qeybta 1-aad Kumaandooska Gorgor Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax ( Jareere) oo uu weheliyo Dhanme Abshir Guutaale oo…

GudahaWararka
August 31, 2025

Madaxweynaha JFS oo gaaray Masar 

Qaahira(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar…

GudahaWararka
January 20, 2024

RM Xamsa” Waxaad soo ceshateen xuquuqdiina oo idinka maqneyd in ka badan 56-sanno”

Muqdisho,(SONNA):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa…

GudahaWararka
December 25, 2025

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay xarunta hey’adda Garsoorka “SAWIRRO”

Garowe-(SONNA)-Ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay xarunta hey’adda Garsoorka…

GudahaWararka
November 21, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023