Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka
    April 1, 2026
    Guddiga doorashooyinka oo Galmudug ka bixinaya kaararka cod-bixiyaasha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo daah-furay madasha isku-duwidda qaybta Beeraha
    April 1, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay wasaaradaha xukuumadda Dan Qaran
    April 1, 2026
    Guddoomiye Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulan ka dhacay Baydhabo
    April 1, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ciribtirka Argagixisada oo sii xoogeystay (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ciribtirka Argagixisada oo sii xoogeystay (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Ciribtirka Argagixisada oo sii xoogeystay (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 29, 2025
7 Min Read
Share

Gobolka Hiiraan ayaa waxay ku soo jireen abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgal lagu soo afjarayo goobaha tirada yar ee Khawaarijtu kaga dhuumanayso deegaanada gobolka Hiiraan, waxaana la xasuusan yahay in meeshaasi ay aheyd deegaannadii ugu horeeyay ee uu ka bilowday ama lagu tijaabiyay in la is ka dhicin karo kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab muddo haatan laga joogo in ku dhow sanad iyo bilooyin.

Agaasimaha Haya’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdillaahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe) oo ay weheliyaan Ergayga Madaxweynaha u qaabilsan Ciidamada deegaanka Cali Cusmaan Jayte iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Weheliye oo ku sugnaa waqtigaasi furimaha hore ee dagaalka ayaa amarkii ugu dambeeyay ee dagaalka faray waqtigaasi Qeybaha kala duwan ee Ciidamada. Agaasimaha Haya’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka oo halkaasi kala hadlay Ciidamada ayaa yiri “Wixii hadal iyo diyaargarow ahaa waa dhamaadeen, diyaar noqda dagaalka waa galeynaa”.Maalmaha soo aadan guud ahaan Hirshabelle waxaa dib uga bilaaban doona howlgalka cirib tirka kooxda Khawaarijta.

Howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Al-shabaab ayaa wali ka socda gobolka Hiiraan, kuwaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay, iyadoo laga xoreeyay deegaanno muhiim ah. Haddaba Goobaha ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Khawaarijta waxaa ka mid ah Beero Yabaal, Bur Abooto, Eega Galmay, Jidcillaan iyo Caddow Gurey ee gobolka Hiiraan, iyadoo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Col. Cabdullaahi Cumar, oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka ay howlgalladan ku dileen malleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxanay ciidanku burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa cadowga.

Sidoo kale, ciidamadu waxay gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ka soo furteen Khawaarijta.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoreynayo degaannada dalka, si looga ciribtiro Khawaarijta, kuwaas oo dhibaatooyin ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo ee howlgaladda ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay sii wada howlgalka ballaaran oo ka socda bariga gobolka Hiiraan, kaasi oo lagula dagaallamayo Khawaarijta, waxaana howlgalka oo xooggiisa laga fuliyay deegaanka Beera Yabaal ayaa lagu dilay 16 dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo ciidamada maalintaasi gacanta ku dhigeen deegaanno muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Beera Yabaal, Buur Abooto, Eega Galmaay, Jidcilaan, Cadoow Gureey.

Howlgalkan ayaa waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Khaalid Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan Wakiilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha ciidanka degaanka Cali Jeeyte Cismaan iyo Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka XDS Col. Cabdullaahi Cumar, waxaana ujeeddada howlgalka ayaa ah in guud ahaan dalka laga xoreeyo Khawaarijta, si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga dadka ku nool dalkeena Soomaaliya, iyadoo ay dhanka kale Saraakiisha ay tilmaameen in howlgalka uu sii socon doono ilaa deegaannada oo dhan laga ciribtiro kooxaha nabad-diidka ah.

Magaalada Masagawaa ee Bariga Galguduud ayaa 25-kii bishan dharbaaxo xooggan ayay ku dhufteen Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab, kuwaasi oo duulaan la sii ogaa ku soo qaaday magaaladaasi, waxayna kooxdu halkaasi loogu dhigay cashar lama ilaabaan ah, iyagoo kuwii weerarka soo qaaday laga dhigay wax la dilay, wax la dhaawacay iyo kuwa Cagaha wax ka dayay ( Baqo dhabarka jeediyay).

Dhinaca kale waxaan la soconaa in howlgal lagu ciribtirayo Argagixsada uu ka socday maamul goboleedka Puntiland, waxayna wararkii ugu dambeeyay ay tibaaxayaa in Ciidanka Daraawiishta Puntland ay khawaarijta Daacish kala wareegay deegaannada kala ah Waadi-soor, Ina Ciddoole, Damal Cagagubyo, Diibow, Qaaqsiiye, Daad, Dal lo’aad iyo isha-Siido ee gobolka Bari.

Howlgallada ka dhanka ah khawaarijta Daacish ee ka socda gobolka Bari ayaa khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogan, iyadoo laga saaray goobo muhiim u ahaa oo ay ka mid tahay Taliskii Tuursamaale ay ku lahaayeen.

Ciidanka Daraawiishta Puntland Soomaaliya ayaa wali halkaasi ka wada Howgallada ka dhanka ah khawaarijta, iyadoo Saraakiisha Hoggaanka u ah Ciidanka ay sheegeen in gobolka Bari oo ah mid ka Soomaaliya oo dhan laga saari doono kuwa dhagarta badan ee dalka ku soo duulay.

Ciidamada Daraawiishta Puntland ee howlgalka Hillaac, oo ujeedkiisu yahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah, ayaa  ku guuleystay inay la wareegaan taliskii muhiimka ahaa ee Tuulada Tuursamaale.Taliskan, oo ahaa fariisin istiraatiiji ah, ayaa ku yaallay bartamaha buuraleyda Calmiksaad ee gobolka Bari, kana mid ahaa saldhigyada ugu waaweyn ee kooxda Daacish ee deegaankaasi.

Qabsashada taliska Tuursamaale ayaa loo arkaa guul weyn oo ka soo hoyatay howlgalka, waxaana lagu tilmaamay dharbaaxo culus oo ku dhacday kooxda Daacish, oo taliskan u adeegsan jirtay sidii xarun ay ka soo abaabulaan dhagarta iyo dhibaataynta shacabka deegaanka. Inta aan la qabsan taliska Tuursamaale, waxay ciidamada Daraawiishtu cagta mariyeen saldhig difaaca u ahaa, oo lagu magacaabo Janajiifta.

Guushan cusub waxay ka dhigaysaa Tuursamaale taliskii ugu weynaa ee laga qabsado Daacish tan iyo bilowgii howlgalka Hillaac, taasi oo sare u qaadaysa rajada shacabka ee ku aaddan in laga ciribtiro kooxda khawaarijta ah guud ahaan gobolka Bari.

Dagaalka ka dhanka ah Kooxda Argagixisada ah ee Al-shabaab waxa uu ka bilowday degaanno ka mid ah Goboka Hiiraan batamihii sanadkii 2022-kii, kadib markii ay shacabku u adkeysan waayeen dilkii,caga jugleynta, boobka Xoolahooda iyo dhaqan xumada ay ku hayeen, waxaana markaasi uu iclaamiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud in dagaal lagu qaado Kooxda Khawaarijta ah, iyadoo muddo hal sano ah lagu xoreeyay in ka badan Kun Kiilo miter oo dherer ah meelo isugu jira magaaloyin, Degmooyin iyo deegaanno fara badan. Hadalkii ugu cuslaa waxaa hadalka jeediyay Cali Jeyte Cusmaan oo markaasi ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan kaasi oo ahaa “ Shabaab waa Bur-Buray”.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Soomaaliya iyo Suudaan oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo amniga gobolka

Muqdisho (SONNA): Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Xamsa…

April 1, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Beijing(SONNA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa ka qayb gashay munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda…

GudahaWararka
April 19, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha guddaha XFS oo kulan la qaatay Wasiiru dowlaha Arrimaha guddaha dalka Pakistan

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Cali (Xoosh) oo safar shaqo ku jooga Pakistan ayaa…

GudahaWararka
January 22, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan xarunta ECES (European Centre for Electoral Support).

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan…

GudahaWararka
January 22, 2024

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐤𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐝𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝a 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐑𝐚𝐬𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Djibouti-(SONNA)-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS ayaa ka qeybgalay daahfurka Madasha Wargeysyada Faafinta Rasmiga ah ee Afrika (Forum…

GudahaWararka
October 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023