Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka gaar ahaan Ciidamada Maraykanka, ayaa xalay fuliyay howlgal qorshaysan oo lala beegsaday kooxo khawaarij ah oo ku sugnaa degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe.
Howlgalkaasi duqaynta ah ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ay ku jireen injineerro ku lug lahaa farsamaynta qaraxyada iyo dhibaateynta ummadda Soomaaliyeed.
Sidoo kale howlgalka wadajirka ah ayaa lagu burburiyay warshad ay Khawaarijtu u adeegsan jireen soo saarista iyo diyaarinta nuucyada qaraxyada ee lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Talisyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale xaqiijinayaan go’aankooda ah in la sii xoojiyo howlgalada ka dhanka ah argagixisada, lana adkeeyo dadaallada lagu ilaalinaayo amniga shacabka.
Howlgalladaan oo ah kuwo is-daba joog ah ayaa muujinaya wada-shaqayn dhow oo u dhexeysa Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ee u diyaargaroobay cirib tirka cadawga Soomaaliyeed.