Muqdisho – SONNA- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal guuleystay ku xoreeyay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaas oo horey ay ugu dhuumaalaysanaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalka ayaa qeyb ka ah Hawlgalka Badar ee bisha barakaysan ee Ramadaan, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay Khawaarijtu ka dhigtaan gabaad. Intii uu socday howlgalka, waxaa la burburiyay fariisimo iyo bakhaarro ay maleeshiyaadku isticmaali jireen.
Ciidamada Qaranka ayaa hadda ku howlan xaqiijinta amniga deegaanka, waxaana socda hawlo lagu baacsanayo haraadiga maleeshiyaadka iyo sifeyn lagu sameynayo goobaha la xoreeyay.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska CXDS ayaa mar kale adkaynaya in hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta la sii xoojin doono, si loo xaqiijiyo amniga shacabka, loona ciribtiro meel kasta oo ay isku dayaan inay gabaad ka dhigtaan.