Muqdisho (SONNA):- Ciidanka Xoogga Dalka Qaybta 21-aad oo gacan ka helaya Dadka deegaanka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maanta la wareegay deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud oo 16 KM u jira deegaanka Dabagalo ee gobolka Mudug.
Howlgalkaan waxaa horkacaayey Taliyaha Qayta 21-aad Gaashaanle sare Cabdi Salaad, Taliyihii hore ee Qaybta, waxaana ciidamada ay baritaano ka sameeyeen dhulka howdka ah ee deegaankaas.
Khawaarijtii joogtay deegaankaan ayaa halkaas ka kala firxaday waxaana hataan ku sii daba jira firxadkooda ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka.
Qabashada deegaanka Baraag Maxamed Daa’uud ee gobolka Mudug ayaa ku soo aadaysa xilli ciidamada Xoogga dalka iyo geesiyaasha deegaanka adagaal jiho kasta ku qaadeen goobaha ay Khawaarijta kaga sugan yihiin Dowlad Gobaleedka Galmudug.