Sh/Hoose(SONNA)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kooxa Al-Shabaab kala wareegay dhowr deegaan oo ay ka mid yihiin:- Dharsheenlay, Bandar, Farkeerow, Xero kowaad iyo Xero labaad oo hoostaga Degmada Qoryooleey ee Gobola Shabeelada Hoose, islamarkaana laga qabtay Dad nool.
Guddoomiyaha degmada Qoryooley Sayid Cali Ibraahim ayaa Wakaaladda SONNA u sheeegay in ciidamada dowladda ay howlgal ballaaran ay halkaasi ka fuliyeen ay ku guuleysteen in ay kala wareegaan kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab.
Dhinaca kale Wararka ay Wakaaladda SONNA ka heleyso Taliska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-shabaab ay weerar arbushaad ah ku soo qaadeen deegaanka Ceel-saliini ee gobolka Shabeeladda Hoose, halkaasi oo fariisimo militari ay ku leeyihiin ciidanka Xoogga Dalka.
Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalada ayaa SONNA u sheegay in Kooxda Al-Shabaab khasaare xooggan lagu gaarsiiyay deegaanka Ceel-saliini ee Sh/Hoose, markii weerar arbushaad ah ay soo qaadeen saacadihii la soo dhaafay.
Ciidamada oo ka feejignaa dhagarta Alshabaab ayaa ka hortagay isku daygaasi weerarka ah oo ay soo qaadeen kooxaha jid iyo jahadiidka ah ee Alshabaab, balse jab xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh lagu gaarsiiyay halkaasi.
Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa muddooyinkii ugu dambeyeey sii kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Alshababa, kuwaasii oo awoodoodu ay sii wiiqmayso.