Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka xoogga dalka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka ayaa saakay cadowga Khawaarijta ah ku jebiyey dagaallo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe.
Deegaannada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere ayuu ka dhacay howlgalka ugu culus, halkaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Khawaarijta.
Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee howlgalka hoggaamineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in meydadka Khawaarijta ay daadsan yihiin deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellada dhexe, halkaas oo horjoogayaal iyo malleeshiyaad badan looga laayey.
Faahfaahinta rasmiga ah ee howlgalkaan oo ka socda dhowr deegaan goordhow kala soco Warbaahinta Qaranka.