Muqdisho-(SONNA)-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ka hortagay malleeshiyaadka khawaarijta oo isku dayay in ay weerar gaadma ah kusoo qaadaan magaalada Masagawaay ee Gobalka Gal-gaduud, waxaana halkaasi looga dilay tiro badan oo ka mid argagixisada ah.
Weerarka khawaarijta ayaa yimid xilli madaalayaasha xoogga Dalka ay ka warqabeen weerarka una diyaar garoobeen, ayagoo dharbaaxo lama Illaawaan ah ku dhuftay kooxda naf la caariga ah.
Ciidanka xoogga dalka ayaa haatan sii baacsanaya mallesshiyaadka firxadkaย ah, sida ay warbaahinta Qaranka u sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howl galka.