Baydhabo-(SONNA)-Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 45-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal burburin ah waxay ay ka sameeyeen qaar kamid ah deegaano maleeshiyaadka Argagaxisadda isku baabulayeen oo ka tirsan gobolka Bay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Ciidanka ayaa dilay shan kamid maleeshiyaad isku aruursanayey deegaanada kala ย ah Garas, Eelmereer iyo Kurto oo hoostaga gobolka Bay, waxaana ay cagta mariyeen goobihii ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka naf la caariga ee khawaarijta.
Howlgalka oo uu hoggaaminayey taliyaha ururka 5-aad ee guutada 8-aad X/le Cali Nuur Cali Madoow ayaa warbaahinta qaranka uga warbixiyay xogta howlgalkaan ay sameeyaan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobolka Baay.