Janaale(SONNA)–Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shalay gacanta ku soo dhigay Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha hoose,
kadib howlgalo amniga lagu xaqiijinayo oo ay Ciidanka Xoogga dalka ka sameeyeen deegaanka Janaale iyo nawaaxigiisa ayay ku soo qabteen horjoogihii Maleshiyaadka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka shabeelaha hoose iyo labo maleeshiyaad ah oo la socday.
Horjoogaha Argagixisada u qaabilsanaa Sirdoonka Shabeelaha hoose ayaa lagu magacaabaa Xasan Suleyt magaciisa afgarashada ayaa loogu yeeraa (Xasan Ganeey).
Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogg Dalka S/guut Cabdixamiid Maxamed oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in horjoogahaani ciidanka in ay ka soo qabteen Janaale, isagoo dhuumaaleeysanaya kadib howlgalo ciidanka ay ka wadaan Janaale iyo nawaaxigiisa.
Taliyaha ayaa tilmaamay in haatan ay korortay wada shaqeeynta ciidanka iyo dadka deegaanka, taasi oo suuragaliyay in cadawga laga helo xog badan lana soo qabto horjoogayaal iyo maleeshiyaad .