Muqdisho (SONNA) Ciidamada Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Nisa ayaa fashiyay labo gaari oo ay khawaarijta al shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliya.
Ciidamada ayaa ka hortagay gaari ay walxaha qarxa ay kasoo buuxiyeen waxaana lagu fashiliyay koorntalka degmada Garasbaaleey oo ka mid ah wadooyinka laga soo galo caasimada.
Sidoo kale ciidamada ayaa fashiyay gaari kale oo ah nuuca leylo calaawi oo lagu soo raray waxyaabaha qarxa kadib ay markii ay xogta ka haleen shacabka deegaanka sidaas aya ugu suuragashay ciidamada inay fashiliyaan dhagar kale oo khawaarijta la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed
Waa haraadiga qeyb ka mid ah gaari saakay ay ciidamada amaanka ku fashiyeen halkaan oo ah xaafamada arbacoow ee duleedka deegaanka ceelasha biyaha
Inkastoo aysan jirin dad ku dhintay hadane waxa uu bur buriyay guryo kooban oo ay dadka shacab ah degenaayeen waxaana mid ka mid dhagaraha khawaariju ku beegsato shacab an waxba galas an.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa tegay xaafadda Arbacow ee deegaanka Ceelasha Biyaha waxaana uu dhiirigeliyay saraakiisha ciidamada hay’adda nabad sugida ee halkaasi ku sugan
Sidoo kale Taliyaha Hay’adda nabad sugida C/llaahi Maxamed Cali Sabaloolshe waxa uu tagay koorntaroolka kale ee lagu fashiliyay gaariga kale oo la doonayayay in lagu dhibaateeyo shacabka.
Taliyaha Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa kulan la qaatay saraahsiika waxaana sidoo kale uu ka dhageystay warbixino saraakiisha nabad sugida ee utaagan ka hortaga cadawga